Boqortooyada Sucuudiga oo si Rasmi ah u Aqoonsaday Maxjarkii Saddexaad ee Xooluhu uga dhoofayaan Somaliland
Riyaadh, 03 June, 2015 (SDN/QJ)- Boqortooyada Sucuudiga, ayaa shaaca ka qaaddatay inay si ku-meel-gaadh ah u fasaxday in waddankeeda loo dhoofiyo Xoolaha Nool ee lagu xannaaneeyo Maxjarka Ancaam oo ay iska leeyihiin ganacsato u dhalatay Somaliland, kaas ku yaala magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Beeraha Sucuudiga oo lagu baahiyey saxaafadda dalalka Carabta, ayaa lagu sheegay inay muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa kowda bisha Lixaad ee sannadkan oo shalay ku beegnayd ay fasaxday in dalkooda loo dhoofiyo Xoolaha caafimaadkooda lagu baadho Maxjarka Ancaam ee magaalada Burco, kaas oo la sheegay inuu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa hubinta caafimaadka xoolaha iyo xannaanayntooda.
Maxjarka Ancaam, ayaa noqonaya Maxjarkii saddexaad ee ku yaala Somaliland oo Boqortooyada Sucuudigu u oggolaato in xoolaha lagu xannaaneeyo loo dhoofin karo dalkooda, waxaana hore u jiray Maxjarrada Abu-Yaasir iyo Al-Jaabiri oo labadooduba ku yaala magaalo-xeebeedda Berbera.
Tallaabada dowladda Sucuudigu ku fasaxday Xoolaha Nool ee lagu xannaaneeyo Maxjarka Ancaam, ayaa lagu sheegay inay ku timi codsi ay gudbiyeen masuuliyiinta Soomaalida, haseyeeshee si gaar ah looguma xusin inay masuuliyiintaasi yihiin kuwa Somaliland iyo kuwa Soomaaliya.
Haseyeeshee, waxa lagu sheegay sababaha ay ku oggolaadeen in dalkooda loo dhoofiyo Xoolaha kaddib markii ay ku qanceen in la dhammaystiray shuruudaha dowladda Sucuudigu uga baahan tahay ilaalinta Caafimaadka Xoolaha iyo kalsooni ay ku qabaan Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka oo taageera Maxjarka Ancaan.
“Kaddib markii aanu xaqiijinnay Codsiyada ku yimi dhammaan shuruudaha lagama-maarmaanka u ah Maxjarka Caafimaadka Xoolaha ee la xidhiidha in Boqortooyada laga soo dejiyo Xoolaha iyadoo la soo marinayo Maxjarka. Markii aanu aragnay taageerada Ururka Adduunka ee Caafimaadka Xoolaha (OIE) iyo warbixintii uu ka soo saaray Maxjarka, isaga oo ku jaangooyey shuruudaha Caalamiga ah ee Xarumaha lagu baadho Caafimaadka Xoolaha.”
Muddada Lixda bilood ee dowladda Sucuudigu sida ku-meel-gaadhka ah u oggolaatay Xoolaha loo dhoofiyo, ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo isla markaana lagu qiimaynayo Xoolaha uga imanaya Maxjarka iyo Shahaadooyinka Caafimaad ee Xoolaha uga dhoofaya.
Dhinaca kale, Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Maxjarka Al-ancaam Cabdiweli Maxamuud Faarax oo isagoo ku sugan magaalada Burco khadka telefoonka ugu warramay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa noo xaqiijiyey oggolaanshaha Dowladda Sucuudigu ku fasaxday in dalkeeda loo dhoofiyo xoolaha lagu xannaaneeyo Maxjarka Ancaam.
Cabdiweli oo ka hadlayey sababaha u suurto-galiyey in dowladda Sucuudigu Maxjarkooda ka doorato Xarumaha kale ee lagu xannaaneeyo Xoolaha ee ku yaala deegaannada Soomaalida, waxa uu yidhi, “Maxjarka Al-ancaam waxa uu ku yaalaa magaalada Burco, waxaanu leenahay qayb naaxinta xoolaha ah oo muddo xoolaha lagu sii hayn karo si loogu sii nasiyo, isla markaana laga dhoofin karo, maxjarkan hawshiisu in badan ayey socotay waxaanu marnay nidaam kasta oo loo mari karo in la aqoonsado, annagoo dawlada Sucuudiga u gudbinnay maabka, maalgalintii aanu ku samaynay iyo qaybaha uu ka kooban yahay iyo saxeexa dhakhaatiirta ka hawlgasha, waxaana hore noogu yimid khubaro ka socota hay’ado caalami ah iyo wakiilo dawlada sucuudiga ah isla markaana si toos ah ugu kuurgalay xaaladda iyo heerka maxjarka, maadaama oo ay dawlada sucuudigu aqbasho marka maxjarka shuruudihiisa iyo hawlihiisu u dhan yihiin, sidaasi darteed ayuu sucuudigu u aqoonsaday Maxjarka Al-ancaam.”
Cabdiweli oo ka jawaabaya muddada la siiyey oggolaanshiyaha iyo ujeeddada dowladda Sucuudigu ka leedahay, waxa uu yidhi, “Muddadu waa tijaabo lagu eegayo ogolaanshahan lana siiyey inaanu fulintiisa awood u leenahay, waxaanay astaan u tahay inaanu buuxinay dhamaan shuruudihii la nooga baahnaa.”
Sidoo kale Cabdiweli waxaanu weydiinay in Dowladda Soomaaliya u fududaysay aqoonsiga ay ka heleen dowladda Sucuudiga, waxa uu ku jawaabay, “Anagu dawladda Soomaaliya lamaanu xidhiidhin codsina umaanu gudbin, balse anaga ayaa shirkad ahaan dawlada sucuudiga la xidhiidhnay oo ilaa haatan xubno ka mid ah madaxda shirkada ayaa hawshaasi u joogta dalka Sucuudiga”.
Masuulkani oo aanu wax ka weydiinnay hawlaha uu qabto Maxjarka, Qaabka uu u shaqeeyo iyo cidda iska leh mulkiyaddiisa, waxa uu ku jawaabay, “Maxjarkan waxa leh oo maalgaliyey guud ahaan ganacsato reer Somaliland ah, Maxjarkani xukuumada Somaliland hore ayey u aqoonsatay oo xoolaha haatan waxaanu u dirnaa waddamada kala ah Cumaan, Qadar, Kuweit iyo imaaraadka, laakiin Sucuudiga ayaanaan ogolaansho ka haysan kiina haatan waanagaa helnay,” ayuu yidhi Cabdiweli.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sidaa awgeed Markii hore shirkadayada oo kaliya ayuun baa maxjarkan xoolaha ka diri jirtay, balse maxjarku waa goob ganacsi waana mid u furan ganacsatada xooluhu dhoofisa dhamaantood, waana maxjar ku haboon nasinta iyo naaxinta iyo dhoofinta xoolaha, waxaana ka baxaya oo laga dirayaa xoolo qurux badan oo waxaanu awood u leenahay sida sharciga dhoofka xooluhu dhigayo in muddo 21 maalmood ah lagu sii hayn karo ama lagu sii nasin karo oo lagu sii quudiyey taasi oo aanay maxjarada kale ee dalku lahayn,” ayuu yidhi Cabdiweli.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo wariye ka tirsan Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa Maxjarka iyo Wasaaradda, ayaa sheegay inay soo dhawynayaan Aqoonsiga dawlada Sucuudiga ee maxjarka Ancaam waxaanu yidhi, “ Waa guul iyo horumar u soo hoyotay Somaliland in dawlada Sucuudigu aqoonsato maxjarka Ancaam ee ku yaala magaalada Burco.”
“Anagu maxjarka Ancaam hore ayaanu u aqoonsanay oo waa sharci in xoolaha lagu nasiyo, naaxiyo iyo in laga dhoofiyaaba, sidaasi awgeed maxjarkani haatanba wuu shaqeeyaa oo xoolaha waa laga diraa balse waxa inagu cusubi waa aqoonsiga dawlada Sucuudigu u fidisay oo ka dhigaysa in maxjarkii saddexaad ee Somaliland ay ogolaatay maadaama oo hore looga dhoofin jiray oo kaliya labada maxjar ee ku yaala Berbera,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Dalka Boqortooyada Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo Xoolaha nool ee Soomaalida, ayaa gebi ahaanba joojiyey Xoolaha Soomaalida muddo labaatan sanno ka hor, kaddib markii ay sheegeen in Xoolaha Soomaalida laga helay cudurka Rift Valley. Waxaanay tallaabada Sucuudigu wakhtigaas ku joojiyey Xoolaha Soomaalidu saamayn ku yeelatay nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaalida, taas oo sababtay ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ay suuqyo kale oo waddamada Carabta ah u dhoofiyaan Xoolahooda. Haseyeeshee, dhoofka Xoolaha ee dalka Sucuudiga, ayaa dib u bilaabmay kaddib markii ganacsato u dhalatay waddanka Sucuudiga qandaraas lagu siiyey inay dalkooda u dhoofiyaan xoolaha Soomaalida, iyadoo qorshahani ku yimi markii dalka laga hirgeliyey Maxjarro lagu xannaaneeyo Xoolaha oo ay kala leeyihiin Ganacsadeyaasha carbeed ee Al-Jaabiri iyo Aala-Yaasir oo labadooda maxjar ku yaallaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Riyaadh SDN/QJ