|

Boqortooyada Sacuudiga oo looga sare Maray Soo Saarista Shidaalka Iyo Dal Cusub Oo Haatan Hoggaaminaya

Hargeysa:June,13,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday shirkadda Shidaalka ee BP ee laga leeyahay dalka Britain, waxa Dalalka caalamka ugu soo saarista badan shidaalka hoggaanka u qabtay markii ugu horraysay waddanka Maraykanka, waxana uu kaalintaas kala baxay dalka sucuudiga.

EECOKumanaan ceel oo cusub ayaa la dalooliyey, waana tiro ku filan in Maraykanku kor u qaado wax soo saarkiisii ku aaddanaa dhinaca shidaalka isla markaana gaadhsiiyo illaa 11.6 Milyan oo foosto maalintii, waxaana tiradani ka badan tahay 16% wax soo saarka sannadkii hore.

Xaddigan cusub ee Maraykanku soo saaray ayaa ka kor marisay dalka Sucuudiga oo markii hore ahaa dalka ugu horreeya dhinaca soo saarista shidaalka dunida.

Maraykanka ayaa sheegay in kor u qaadida soo saarista shidaalkan inay ugu wacan tahay iyada oo la casriyeeyey qalabka lagu soo saaro shidaalka iyo farsamada loo isticmaaloba. Waxaana farsamadan cusubi ay sahashay in la gaadho shidaal badan oo aanay suuro gal ahayn in markii hore la gaadho.

Maadaama dalka Maraykanku xilligan hoggaanka u qabtay dalalka soo saara shidaalka waxay macneheedu noqonaysaa inaanu ku tiirsanaan doonin iminka wixii ka dambeeya shidaalka uga iman jiray debedda.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed