|

Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabulcasiis Iyo Madaxweyne Donald Trump oo Kala Saxeexday Heshiisyo Door ah & Beri oo uu Furmayo Shirweyne Islaami ah

Riyadh 20. May 2017 (SDN/QJ(:- Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabulcasiis ayaa Qasriga martida ee Magaalada Riyaad kulan kula qaatay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqanaya Wadankaasi.

Labada Hogaamiye waxa ay ka wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka labada dhinac ee dhaqaalaha, siyaasadda iyo  amniga halka sidoo kalena ay ka wadahadleen arimo caalami ah iyo kuwo gobolka khaliijka ku saabsan.

Booqashadiisii maanta ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku qaatay soo dhoweyn iyo heshiisyo faro badan oo ay labada wadan kala saxiixdeen

Maalinta berito Madaxweynaha Maraykanku waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirweynayaal caalami ah oo sucuudigu martigelinayo sida kulan madaxeedka Dalalka Khaliijka carabta iyo kulanka kale ee Madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka oo isna halkaa ka dhici doona, waxaana kulamadaa ka qaybgeli doona ilaa 55 Hogaamiyayaal wadan ah ama wakiilo meteli doona.

Booqashada madaxweynaha maraykankuna waa tiisii ugu horaysay ee uu ku tago wadamada badaha ka tallowsan tan iyo intii uu xilkaa la wareegay 20 bishii janaury, waxana uu sidaa ku noqonayaa Madaxweynahii u horeeyey ee Maraykan ah ee booqashadiisa dalka dibadiisa ka bilaaba wadan Islaam ah.

Madaxda Mareykanka loogama baran in ay Sacuudiga ku tagaan booqashadooda ugu horeysa ee ay dibada ugu kicitimaan, hase yeeshee Trump waxa uu safarkiisan Sacuudiga ka dhigtay jihadiisa ugu horreysa uu bannaanka ugu baxay.

 

Arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in Donald Trump intii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada ay hadalladiisu kamid ahaayeen inuu xanibaad kusoo rogayo Muslimiinta, waxaana taasi sii kaabay go’aankii ugu horreeyay ee uu qaatay markii xilka loo caleema-saaray kaasoo uu soo galidda Mareykanka kaga mamnuucay ilaa 6-dal oo Muslim ah.

Comments are closed