|

Boqorka Sucuudiga oo Fariin u Diray Madaxda Masar

Riyadh April 29,2012(SDN)-Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla Binu C/casiis ayaa ku war-geliyey gudoomiyaha Golaha sare ee milateriga ka taliyaha dalka Masar Xuseen Dabdaawi, in dalkiisu dib u eegi doonaan qaraarkii ay kaga qaateen masar safiirkii u joogay, iyada oo aanu eegayno ayuu Yidhi Boqor cabdalla Maslaxada labada dal.

Wakaalada Wararka ee dalka Boqor-tooyada sucuudiga ayaa waxa ay sheegtay, in Gudoomiyaha Golsaha milateriga dalka Masar Xuseen Dandaawi oo la soo xidhiidhay boqorka dalka Sucuudiga ka dib markii Dalka sucuudigu u yeedhay safiirkii masar u joogay, isla markaasina la xidhay safaaradii iyo qunsuliyadihii Sucuudiga ku lahaa Is-kanderiya iyo Suways, si xukuumada boqortooyada sucuudigu ay uga noqoto qaraarkaasi ay qaadatay.

Waxaanay wakaalada wararka ee sucuudigu sheegtay In Boqorka dalka Sucuudiga la soo xidhiidhka Gudoomiyaha golaha milateriga ee dalka masar kaga jawaabay in uu dib u eegi doono maal-maha soo socda qaraarka dalkiisu qaatay, iyada oo aanu eegayno ayuu yidhi Boqor cabdalla duruufaha masaalixda iyo cilaaqaadka labada dal wadaagaan.

Dalka Boqortooyada sucuudiga ayaa la sheegay in uu talaabadan uu ugu yeedhay safiirkii ujoogay masar, una xidhay qunsuliyadihii ay ku lahaayeen Suways iyo Is-kanderiya ay sababeen mudaharaado la sameeyey oo ka dhan ah dalka N Boqortooyada sucuudiga, ka dib markii sucuudiga lagu xidhay Gar-yaqaan Masri ah kow iyo toban maalmood ka hor.

SDN-Riyadh

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed