Boqorka Sucuudiga iyo Madaxweynaha Suuriya oo ka wadahadlay mushkilada Suuriya
Riyad Mar 05,2012(SDN)-Wasiirka arimaha dibada ee Sucuudiga Amiir Sucuud Bin faysal ayaa daaha ka qaaday in Boqor cabdallaha sucuudigu uu xidhiidh la sameeyey Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, isla markaana uu kula taliyey inuu go’aamiyo mustaqbalkiisa.
Hadalkan wasiirku waxuu ka sheegay kulankii ay lahaayeen wadamada Khaliijka Carabtu ee ku qabsoomay magaalada Riyaad, waxa uu ku cadeeyey in Boqorka Sucuudigu ugu yaraan sadex jeer ku celiyey Bashaar al asad inuu saxo masiirkiisa isla markaana uu xiligan hayo dariiqo khaldan.
Amiirku waxuu sheegay in shacabka Suuriya aanay xiligan doonayn nadaamka ka ariminiya wadankaasi isla markaana la gaadhay xiligii uu shacabka gacmaha u gelin lahaa taladooda.
SDN-Riyad