|

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis oo Dalbaday in Shaqada laga Saaro Qoraa Wargays oo Amaan aanu gaadhin oo Alle u Sugnaatay Ku Sifeeyay!!

Riyadh 04. July 2017 (SDN/QJ):- Boqorka dalka Sacuudi Carabia aaa si weyn uga cadhooday amaan xad dhaaf ah oo u jeediyay Qoraa wax ku qora Wargeys kasoo baxa dalkaasi, waxa uuna qoraagan amaana uu u jeediyay Boqorka kala kulmay dhaleeceyn xoogan.

Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amar ku bixiay in shaqada laga eryo baadhitaana lagu sameeyo Qoraagan amaanta xad dhaaf ah ka qoray, waxaana qoraa uu Boqorka bar bar dhigay Alla Subxaanaho Watacaalaa sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Sacuudiga.

 

Qoraagan oo lagu magacaabo Ramadaan Al Anzi ayaa boqor Salmaan ku tilmaamay ‘’Haliim ama Naxariis badane ciqaabtiisu kulushahay’ ereadaas ayaana islaamku qabaa in ay yihiin kuwa Alle u gaar ah oon aadane loogu tala galin.

 

Dad badan ayaa ka cadhooday qormadan amaanta ka bad badiska ah uu Qoraagan ku daabacay Wargayska Al Jazirah ee kazoo baxa Sacuudiga, waxa uuna wariyahan la kulmayaa dhaleeceyn aad u xoogan oo uga imaaneysa culumada Sacuudiga iyo dad badan oo qormadan daalacday.

Halkan Hoose Guji si aad Qoraalkaas u akhrido.

GUJI HALKAN SI AAD WARBIXINTAN U DAALACATO

Comments are closed