|

Boqor Salmaanka Sucuudiga Oo Ceeb Kala soo Noqday Safar Dalxiis Oo Uu Ku Joogay Dalka Faransiiska

Riyad:Aug,06,2015(SDN/QJ)-Kadib Safar dalxiis oo Warbaahinta Caalamku si weyn u hadal haysay oo uu Boqorka Sucuudigu ku tegay Jasiirad ku taalla Dalka Faransiis, ayaa waxa soo baxaya Ceebo kale oo ku saabsan inuu Halkaas kasoo laabtay iyadoo lagu leeyahay Daymo uu galay intii uu dalxiiska ku jirey.

salmBarta Hesprees ayaa lagu daabacay in lacagta lagu yeeshay Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis ay gaadhay 3.7-Milion o yuuro ah, waxaana warbaahintu ay sheegtay in boqorka Sacuudiga uu ka cadhooday sida uu u heli waayey waxyaabihii uu ka mudnaa Faransiiska kadib markii wax weyn laga qaban koox dibad baxayaal oo isaga ku cadheysnaa.

Ma jirto wax war ah oo wali ka soo baxay Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis oo ku aadan eedeymahan meelka dhaca ku ah Boqorka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed