Boqor Raabbi Oo Sheegay In Shidaal Laga Qodayo Deegaano Ka Tirsan Degmada Sallaxley DAAWO
Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka tirsan madaxda dhaqanka Somaliland oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shidaal laga qodayo deegaano ka tirsan degmada Sallaxley, isla markaana la doonayo in dadka deegaankaasi la barakiciyo.
Boqorku waxa uu sheegay in arrintan ay hoggaaminayaan dad uu ugu yeedhay Dhuuni-qaatayaal, isagoona dadweynaha halkaasi ku dhaqan ugu baaqay in aanay aqbalin arrinkaasi – maadaama buu yidhi aan lanagala tashan.
Sidoo kale, Boqorku waxa uu sheegay in dadka deegaankaasi horay loogu weeraray Tikniko isla markaana maantana la doonayo in markale la weeraro.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal.