Boqor Buurmadow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Khilaafka Mas’uuliyiinta Xisbiga UCID.
Hargeysa,25Oct,2015(QJ/SDN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Burrmadow), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen, isagoona sidoo kale boqorku bogaadiyay hadal uu shalay yidhi Muj.Cali Guray oo oo isna ka hadlayay khilaafka labadaas masuul, Haddaba Boqor Buurmadow ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa waxa uu u dhignaa sidan: ‘’ Waxaan maanta dheehday qoraal uu kaga .hadlaayey mujaahid cali maxamed yuusuf ( caligurey) khilaafka cakiran ee udhexeeya gudoomiyaha iyo musharaxa ucid oo umuuqda.inuu faraha kabaxay hadaba aniga qiimayntayda waxa iigu soo baxay in xisbiga ucid siyaasiga ama xeeldheeraha siyaasi uu yahay cali gurey abwaankii wuxu yidhi berina hala aasee nin ragii baqaskii waa ceebe mujaahid ku kolkuu doono hayska afxumaadee qoodhiyo xero waa Aqoonyahan.kolka aanu is yeelyeelayn bal wuu taliyey hase ahaatee labada oday caligurey labadaba way isku fiicanyihiine bal aynu eegno sida uu wax umaareeyo ama isugu soo dhoweeyo ama u kala raaco…’’
QJ/SDN: Hargeysa