Boqor Buur Madow oo Sas ka Qaaday Hadal uu Yidhi Murashaxa Madaxtinimo ee Xisbiga Ucid DAAWO
Hargaysa 23.Sep 2014 (SDN/QJ)- Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur Madow, ayaa markii ugu horraysay dhaliilay qaabka uu uga hadlay Musharaxa Madaxwenaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xseen oo dilka saraakiishaa sheegay in aan looga hal galin sidii loo baahnaa.
“Waxaan doonayaa inaan halkan uga diro Tacsi tiiraanyo leh, labadii Mujaahid ama Sarkaal ee Gacanta ka xaqdarani ku dishay Qorilugud.runtii waa Xanuun iyo dhibaato Qaranka Somaliland oo dhan u soo hotay” ayuu yidhi Boqor Buur-madow oo maanta u Waramay Bulshotv.
Boqor Buur-madow waxa uu soo jeediyay inaan la siyaasaddayn dilka Saraakiisha, isagoo sheegay inaan dilka Saraakiishu ahayn mid Beel ahaan ay uga dambeeyeen balse ay tahay mid Gacan ku dhiigle ay tahay in la soo qabtaa gaystay.
Boqor Buur-madow oo ka hadlaya Mudaharaadkii Bulshada Gabiley kaga soo horjeedeen dilka Saraakiisha waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu aad uga xunnahay in La Siyaasadeeyay Arintan,Jamhuuriyada Somaliland dadka ku nooli wey ogyihiin wax laga tashaday inaanay ahayn.runtii Mudaharaadkii Gabiley waxaanu u arkaynay dad ay ku Kedisay geeridu oo aan garawsan sida uu u dhintay Ninkaa qaranka u halgamayay, runtii aad iyo aad baanu ugu Cudur daaraynaa, wax Alle wixii hadal ka soo baxay ama dhiif ha lahaado ama deganaansho ha ku soo baxee waa mid dulqaad loo leeyahay oo aan lagu dhaliilayn”
Boqor Buur-madow waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dhaliishii arinta Dilka Saraakiisha ee Mucaaradka, isaga oo si gaara u soo qaatay Musharaxa Ucid Jamaal Cali Xuseen “waxaanu aad iyo aad uga xunnahay Jamaal Cali Xuseen Oo Kale Oo aanu Aad iyo aad ugu hanweynayn oo aan hubo dhalinyarada iyo aqoon yahanka iyo Jiilka soo socda oo dhan inuu yahay Ninkii ay ugu taageerada badnaayeen, inuu ku hadlay Aff uu leeyahay Beel baa u tashatay,inuu arin xajiin leh oo Bulshada Somaliland sii kala fogaynaya uu ku hadlay.Waxa uu runtii u muuqdaa Nin Aan dadka kan Jiidh ugu Ool” ayuu yidhi Boqor Buurmadow
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com