Boqor Buur Madow Oo La Soo Istaagay Inay Khasab Tahay Qorshe Ay Beeshiisu Ku Doonayso In Laba Sanno Loo Kordhiyo M/Siilaanyo Cidii Ka Hortimaadana Ku Tilmaamay Fidmo Abuur DAAWO
Hargaysa 05. March 2017 (SDN/QJ):- Boqorka Beelaha Habarjeclo Boqor Cismaan Aw-maxamuud (Buur-madow) ayaa Sicad shaaca uga qaaday inay beeshiisu ka midaysan tahay oo ay ka shaqaynayso in Mar Kale laba Sanadood loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo isagoo Cidii ka hortimaada Qorshahaasi ku tilmaamay inay leexinayso wax Beelaha Somaliland heshiis ku soo ahaa oo horeba loogu soo kordhiyay Madaxdii ka horay Siilaanyo ee uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Tuur,Maxamed Ibraahim Cigaal Iyo Daahir Riyaale.
Waxa kale oo uu sheegay in Qorshahaasi uu la wado Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamed Aadan (Saleebaan Gaal) oo ay isku beel ka soo wada jeedaan,waxaanu kalsooni ka muujiyay inuu Go’aankaasi ka soo baxayo Guurtida.
Boqor Buur-Madaw oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay inay daruuri tahay in Labadaasi sanno loo kordhiyo Siilaanyo,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Jihooyin badan inagoo ka eegayna,Waxaa fiicnaan lahayd Odaygu maadaama oo uu soo shaqeeyay in labada Sannadood loo kordhiyo,Taa waan qabaa anigu,ka beel ahaanna waxaanu qabnaa in loo kordhiyo,Maxaa yeelay,Cabdiraxmaan Axmed Cali,laba jeer ayaa Marna Balaygubadle lagu doortay,Marna Burco,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Gorodhsiimadiisa dhawr jeer ayay ahayd, Daahir Riyaale Saddex Jeer ayay ahayd, Anagu ka beel ahaan,Talada ama Qorshaha nooguma jirto 5-Sanno inuu Odaydu kaga tago,ama ay reer Ahaan kaga wareegto,Waxaanu leenahay Somaliland ha Xajisato,Waa la kordhinayaa, Qorshahaasi ayaanu anagu wadnaa”.
Waxa uu intaasi raaciyay in Qorshahaasi ay Beeshiisu wado ay kala Shaqaynayaan XGolaha Guurtidu,Waxaana uu sheegay inay arintaasi kalsooni ka qabaan inay Xagga Guurtida hawshu uga fududaato oo labadaasi sanno ee beeshiisu wado ay korodhsiimada ugu dhuftaan Madaxweynaha,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Guurtida rajo fiican ayaanu ka qabnaa,Waayo Somaliland wixii Xeer u ahaan jiray iyo Isjiidh jiidasho, Balanna madhacayso oo haddii la kordhiyo oo Waxba hore uma dhici jirin,Imikana ma dhacayaan, Cidii ka weecisa Wadadii hore ee ay wax ahaan jireen,Marka Cid loo kordhiyo Cidda Tidhaahda Joogi maysana iyadaa og meesha ay wax ku wado iyo sida ay wax u wadayso, Waa Khasab in la kordhiyo ayaanu leenahay ka beel ahaan”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Boqor Buurmadaw.
Waxa ay Shacabka Somaliland maalmahan u dambeeyay u dheg taagayaan Muddada Labaad ee loo kordhin doono Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo hadda miiska u saaran Golaha Guurtida, inta ay noqon doonto,waxaana socda Dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Koox dano gaar ah leh oo jihooyin kala duwan ka soo shidaal qaadanaya kuwaasi oo u ololaynaya in muddo kabadan Wakhtigii axsaabtu ku heshiisay la kordhiyo.