BOQOR BUUR MADOW AMA (BLACK MOUNTAIN). HA LOO SHEEGO INEY QURBA JOOGU XOR YIHIIN
Salaama caleykum dhamaan inta Afsomaliga ku hadasha gaar ahaana reer Somaliland.
Runtii ma ihi dadka cadiifadeydsan ee qabyaaladu sida xarka gashey, inkasta oo aan Somali uun aheyn hadana maleyga waxaan fahamsaney, iney qabyaaladu qofkii u jibooda ama caabuda uga dhigan tahey sida adigoo ku dib jirey meel gabadano ama dhaxan xumi adigoon hoy iyo hu midna haysan. Bilcakis Qaranimada iyo dawladnimada maalmul wanaagsan heshaana waxey la masa tahey guri dugsoon diiran oo odgoon adigoo dhex jiifa!!!.
Maamul kasta oo yimaadana oo lagu soo xiro geliyo Cay, Qabyaalad, Qararaci wax uu dadka u soo kordhinaya ma jirto waa kud ka guur oo qanjo u guur!!!!!!.
Yaan taraanine Boqor Buurmadow oo ka mida dadka haysta jagooyinka xaaranta ah ee hadii maamul toosan oo dawladeed la helo la tirtiri lahaa, waa Suldamada, Boqorada, Caaqilada, Isimida iyo jago qabyaladeed oo kuligood wada ah figur ama astaan u taagan dib u dhac iyo bulsho kala qeybsan , ayaa waxaa dhawaan warabaahintu soo daysay, isagoo maamulka Silaanyo ku canaanaya inaan cidna la baryin ee wixii is dhaqaajiya dhegta dabeeda lagu dhufto, isagoo intaa ku darey canaan iyo hiiftan uu u soo jeediyay dadka Qurba jooga ah oo ku sheegey iney yihiin dad sharwadayaal ah.
Ta hore anigoon Suldaan Wabar iyo cidii la fikirba ku raacsaneyn iney ujeedadooda gacan ka hadal ku dhameeyaan, oo aan ku talinayo inaan waxba lagu faaiido doonin dhiig daata iyo bubur umadeed dhacdooyin badan oo arintaa inooga markhaati ahna aynu soo marey, hadana waxaan hoosta ka xariiqaya iney arimaha gobalka Awdal iyo Sool ba ka taagani ka dhigan yihiin, Alif woow ku qaloocdey Albaqra ku dhibaa.
Xalka arimaahisi kuma jiraan sida uu Suldaan Wabar wado iyo Sida uu Buurmadobi ku talinayo waana laba jaahil oo 2015kii isu booteynaya. Keliya xalku wuxuu ku jiraa in wixii gedmadey ama khaladaadkii taariikhada laga soo galey la saxo oo dib raadkii loo raaco.
Arinta kale ee Qurba jooga, waxaan Buur madow u sheegi lahaa iney Qurbo joogu yihiin dad xora oo raba iney helaan dawlad ugu yaraan meel uun ka matasha dawladaha ay la joogeen ee sharcigu shaqeeyo balse aaney afmiishaarnimada iyo Qararacdu shaqeynin . Black Mountain ugu dhaarta hadii uu rumeysan waayana ugu dhaarta, in dadka dalkii jooga ay yihiin, maxaabiis u xidhxidhan kooxdiisa dhaqanka sheegata iyo kuwa Siyaasiyiinta ah ee salaanka ku soo fuula reer hebelnimada marka danbena aan cidna waxba u qaban ee xoolaha dadka ka dhexeeya booba!!!!…
Waxaana markhaati ka ah dadku iney maxaabiis yihiina dhalinyaradii dalka u dhalatey oo ay jeelel ka soo baxsadeen badaha isku soo miidaaminya, markii ay waayeen cid ka jiheysa Qabyaalada, shaqo la`aanta iyo nolasha lagu qaali gareeyay oo dee Hargeisi Tokyo wey ka nolol qaalisan tahey 90% dadkuna ma shaqeeyaan, waxaa la la yahey cid jaangoysa sixirka badeecadaha iyo cid wixii aan daruuri aheyn umada ka xadida!!!!
Guntii Beentu hadey mudo shaqeyso aakhirta runtaa timaada, run baa maalin dhow imaneysa oo dadka iyo dhulka laftiisa ayaa gilgilan doona, qaatey ee Qaado iyo Qararacduna ma shaqeyn doonto..
Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway
Omardool1988@hotrmail.com