Boqor Buur-Madoow oo ka hadlay Dagaalka Ceel-afweyn oo Isaga iyo Wasiir lagu eedeeyey DAAWO
Dubai 07.Sep 2016 (SDN/QJ):- Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-Madoow oo xillligan ku sugan magaalada Dubai ee xarunta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday Siro la xidhiidha dagaalka dhimashada iyo dhaawaca sababay ee markii labaad toddobaadkii hore labada beelood ku dhex-maray deegaannada Dararweyne iyo Dogoble oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag oo dadka qaar ku eedeeyeen inay hurinayaan Boqor Buurmadoow iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi.
Boqor Buurmadoow oo Imaaraadka xilligan hawl caafimaad u tegay, ayaa arrimahaas kaga warramay Farriin Cod ah oo uu ku gudbiyey ama ugu talo galay Qol (Group) ka mid ah kuwa Shabakada Bulshadu ku xidhiidho ee Beesha uu ka soo jeedo ee Habar-jeclo kula hadlay Beeshiisa, waxaanu kaga hadlay dirirtaas Beeshiisa iyo Beesha kale dhex-martay oo uu sheegay in lagu eedeeyey, balse wax uu ka ogyahay jirin colaaddaas.
HALKAN KA DAWO / DHEGAYSO: