BOQOOLAL KALUUMEYSTO AH OO LAGA SII DAAYEY ADOONSI KA JIREY JASIIRADA BENJIA IYO KUMAANKUN KU HADHEY
Benjina April 04,2015(SDN/QJ)-In kabadan sadex boqol oo ka tirsan kumaankun kaluumeysato la adoonsanayey laguna haystey jasiirada Benjia ee ka tirsan dalka Indoneisa, ayaa dawlada dalkaasi ka xoreysay shirkado kaluunka ka ganacsada oo laga leeyahey dalka Taiwan.
Wakaalada wararka AP (Associated Press) ayaa kashiftey masiibooyin adoonsi ganacsi oo ka jira Jasiiradasi, la adoonsadayaasha u dhashey dalalka Myanmar, Cambodia iyo Laos, ayaa AP u sheegay in loogu shaqeysan jirey si adoonsi ah iyagoo maalmaha qaarkood shaqeyn jirey 22 saac oo bilaa bushahar ah, geesta kalena aan heli jirin cunto iyo biyo nadiifa, iyagoo sidoo kale ay u dheerayd jidhdil lagu sameyn jirey hadii ay fulin waayaan awaamiirta la faro.
Dadkan la adoonsaneyey ayaa qaarkood la haystey in ku dhow 10 sano, iyagoo qaar badanina ku naf waayey halkaaas. Ka dib markii arintan soo shaac baxdey ayaa Dawlada Indonesia arinta fari gelisay waxaana aqbaley in meesha laga qaado in ka badan 320 ka tirsan kaluumeystada la gumeysan jirey.
”Waxaan doonaya inaan waalidkeygii arko, maan maqal hadalkooda mudo dheer iyaguna wax wara igamay helin”. Sidaa waxa AP u sheegey 42 jir ka mida dadka la xoreeyay oo mudo afar sano ah ku noolaa goobta.
Sida laga soo xigey Aljazeera waxaa adoonsiga kaluumeysatada ka masuula shirkado dhoofiya kaluunka oo laga leeyahey dalka Thailand. Geesta kale Asep Burhanudin oo ah director ka tirsan Wasaarada Kalumeysiga Indonesia ayaa Aljezeera u sheegay in Kaluumeystada lagu dhalaalin jirey electric hadii ay shaqada diidaan.
Pusaka Benjina Resources oo ah shirkada keliya ee ka diiwan gashin Jasiirada ayaa sheegtey in leeyihiin ugu yaraan 90 doonyaha lagu kaluumeysto oo ka diiwaan gashan dalka Indoneisa, kuwaa oo Captanada wadaa ay ka soo jeedaan dalka Thailand , waxaana hada socda baadhitaan ay dawlada Indoneisa ku wado shirakda Pusaka si loo ogaado in run ahaantii ay shiradkaasi leeyhiin ganacsato u dhalatey dalka Thailand.
Goobjoge ka tirsan shirkada Pusaka oo AP isku deyday iney arinta wax ka weydiiso ayaa ka gaabsadey inuu ka hadlo arintan fadeexada ah.
”Qaar ka mida shaqalaha lagu xadgubo ayaa jecel iney meesha sii joogan lakiin anigu ma doonayo, waxaaney la ii sheegay inaan xaaladan ku khasbanaado lakiin hada ma yeelayo waxaanan doonaya inaan gurigeygii aado” Sidaa waxaa u sheegay Aljazeera Kyaw Yelin oo ka mida dadka la xoreeyay.
AP ayaa sheegtey in dadka markii loo balan qaadey iney ka shaqeyn doono meelo Mukhaayado wax lagu cuno ah, lakiin xaqiiqdii noqotey iney ku shaqeyaan Kalumeysato la adoonsado oo kaluunka ay soo jilaabana loo iib geeyo dunida dacaladeeda
Qurbejoog
Oslo Norway