|

‘’Boqolkiiba kontan dhaqaalaha laga qaadayo Musharaxiinta waxaa lagu  taageerayaa Gurmadka abaaraha’’ Prof Jawaari DHAGAYSO

Muqdisho 25. January 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya labada aqal oo kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raacayn in dhaqaalaha laga qaadayo musharxiinta u tagan qabashad Xilka Madaxweynaha Boqolkiiba kontan loogu Deeqo Shacaba Abaaraha ay saameeyeen.

 

Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed shiikh Cismaan Jawaari uu dhinac Fadhiyay Gudoomiyaha Xildhaibaanada Aqalka Sarae Cabdi Xaashi Cabdullaahi.ayaa xildhibaanada u soo badhigay talo soo jidinta ku aadan  in dhaqaalaha laga qaado musharaxiinta lagu  shacabka Soomaaliyeed.

 

Jawaari ayaa  xildhibaanada ka codsaday in ay qaab  Gacantaag ah ay  ugu Codooyaan in dhaqaalaha laga qaado musharxiinta boqlkiiba kontan lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed  intaasi kadibna xildhibaanada ayaa cod Gacantaag ah ku ogalaaday Tala soo Jeedinta Gudoonka labada aqal ee Soomaaliya.

Comments are closed