|

Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Ethiopia Oo Xalay Si Lama Filaan ah u Soo Galay Magaalada Garbahaaray

Garabahaarey:26-Feb-2014 (SDN)-Ciidamo aad u Tiro badan oo Ka Tirsan kuwa Ethiopia ayaa Habeenkii Xalay La Soo Buuxdhaafiyey Magaalada Garbahaarray ee Gobolka Gedo ee Konfur Galbeed Somaliya.

eh ehSida ay Qurbejoog.com u xaqiijiyeen Dadka Deegaanku, Ciidamada Ethiopia  ayaa  ka soo Dhaqaaqay Deegaanka Buulo Gaduud, oo 15-km u jira Magaalada Garbahaarey, kadib markii ay isniintii kasoo baxeen Degmada Beled Xaawo oo ay Hore ugu sugnaayeen.

 

Gaadiid Dagaal, oo ay ku jiraan Taangiyo iyo Uuraalo, ayaa lagu arkayaan Wadooyinka Magaalada, kuwaasi oo Saldhigyo ka samaystay Duleedka iyo Gudaha Garbahaarey, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Aslu Sunna oo aan Faahfaahin ka Bixinin Sababta Ciidankan keentay.

 

Ciidamada Ethiopia, ayaa waxa ay wadaan hadda Dhaq Dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee ay Kooxda Al shabaab kaga saarayaan Degmooyinka Buurdhuube iyo Baardheere, ee Gobolka Gedo, iyagoo kaashanaya kuwa DFS iyo Ahlu Sunna, waxana la Aaminsan yahay in Arrintani bilow u tahay Dagaalkaas.

 

Kooxda Al shabaab ayaa iyana sidoo kale Abaabul Dagaal kawada Degmooyinka ay Ciidanka ku wajahanyihiin ee Baardheere iyo Buurdhuubo, waxase Warwar baahsan qaba Shacabka ku dhaqan deegaanada Dagaalku ku Egyahay oo aan Haysan wax Qorshe ah.

Ciidamada Ethhiopia iyo kuwa  kale ee AMISOM Ka tirsan ayaa haatan ku jira Diyaar Garowgii ugu dambeeyey ee ay  ugu jireen dagaalka lagu wado inay Dhawaan ku Qaadaan Xarumaha ay Alshabaab Guud ahaan Soomalia kaga Sugan tahay, waxana inta badan la Arkayaa ciidamo u dhaqaaqaya Goobo aanay hore u joogi jirin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed