|

Boqolaal askari oo lagu xoojinayo ciidamada ATMIS ee Soomaaliya

Muqdisho. 27 November, 2022. (QJ)- Illaa 400 oo ka mid ah booliska waddanka Uganda ayaa la qorsheeyay in lagu kordhiyo ciidamada booliska ee ku sugan gudaha Soomaaliya kana socda Midawga Afrika, ATMIS.

Midawga Afrika ayaa shir ak yeeshay qiimaynta algu samaynayo askartaas ka hor inta aan la gayn Soomaaliya sanadkan gudihiisa.

Soqomaaliya ayaa hroe u dalbatay in la yareeyo ciidamada ATMIS ee gudaha dalkaas joogta isla amrkaana ay dalka ka baxaanba marka la agadho sanadka 2024 sida qorshaha imiku uu yahay, balse lama oga wax ais bedeli doona.

Waxa xusid mudan, in Midawga Afrika ay codsadeen in la dheereeyo mudada hawl galka ATMIS ee gudaha Soomaaliya balse lama oga iyana jawaabta ka iman doonta dhanka Soomaaliya.

Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa lagu dhaliilaa in aanay waxba ka qaban hawlaha loo keenya ee ah in ay la dagaalamaan alShabaab.

Comments are closed