Boosaaso: Maxkamad xukuno dil ah ku riday dad Al-Shabaab lagu eedeeyay
Boosaaso 14, April 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukuno dil ah ku riday dhawr qof oo lagu xidhiidhiyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Qaacida ku xidhan ee Al-Shabaab.
Siday suxufiyiin madaxbanaan oo Boosaaso ku sugani u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa Sabtidii maanta maxkamadda derajada koowaad ee gobolkaas la horgeeyay sagaal qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo dilal qorshaysan oo xilliyo kala duwan ka dhacay magaalooyinka waawayn ee maamul-gobolleedka Puntland.
Warku wuxuu intaa ku daray, in afar qof oo ka mid ah sagaalkaa qof lagu riday xukuno dil ah, ka dib markii lagu eedeeyay qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo lagu fuliyay masuuliyiin iyo dad magac leh, halka saddex qof oo kalena 10 sannadood oo xadhig ah lagu xukumay, iyadoo laba qof ee kalena midna laba sano oo xadhig ah lagu xukumay, midka kalena saddex sannadood xabsi ah lagu riday.
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay, Madaxweynaha maamul-gobolleedka Puntland Mr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Raysal-wasaaraha Somalia Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, waxay sheegeen in Al-Shabaab u soo wareegeen dhinaca Puntland, gaar ahaan buuralayda degaamadaas, ka dib markii ay jab kala kulmeen Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Qurbejoog.com, Boosaaso
editor@somalidiasporanews.com