|

Boorama: Waxaan weli garan La’nahay Dadka Soomaaliyeed Goorta ay Waddanka Kala Qaybsadeen iyo Goorta ay Jinsiyaad kala noqdeen

soomalibaan-ahay

Boorama — Sheekh Xassan Khayre Dirir oo ka mid ah culimada gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama ayaa si kulul uga hadlay go’aankii xukuumadda Somaliland ay dalkeeda kaga saaraysay dadka ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida, isagoona sheekhu sheegay in aanay macquul ahayn in ummadda Soomaaliyeed lagu sheegay ajaanib isla markaana dalka laga saaro.

Sheekh Xassan Khayre waxa uu go’aanka xukuumadda Somaliland ku tilmaamay mid dano gaar ah laga wato isagoona arrintaasi ku sheegay in dadka wadaa ay yihiin dad aan maskax lahayn.

Sheekhu waxa kale oo uu si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeedhay wasiir Warancadde kaas oo ku saabsanaa passportka Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo

Walaalayaal waxaa Ayaan Daro ah in Maanta Dadkii Soomaaliyeed Ee ka Kala Imiday Kismaayo, Muqdisho,iyo Boosaaso Ee Aynu Dalka Wada Lahayn In Layidhaahdo Keena Jinshiyadiinii Ajaanib…

Comments are closed