|

Boorama: Telefishan xidhitaankiisa uu Booliska iyo Maamulka Awdal isku khilaafay oo dib loo fasaxay

Boorama Feb. 21, 2013 (SDN)- Ciidanka ee magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa ogolaaday inuu dib u hawlgalo Telefishanka madaxabanaan ee Rayo TV, ka dib markii ay xalay damiyeen baahintiisii.

Agaasimaha Telefishanka Rayo Mr. Axmed Ismaaciil waxa uu shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, u sheegay in caawa uu dib u hawlgalay telefishanku, ka dib markii masuuliyiinta Booliska ee gobolkaas oo marka hore amarka xadhigiisa bixisay ay ogolaadeen sidaas.

Waxa uu sheegay in ogolaanshahani ka dambeeyay markii ay waan-waan ka galeen odayaasha dhaqanka iyo shaqsiyaad kale, iyadoo go’aanka Telefishanka lagu xidhay uu ka dambeeyay markii uu baahiyay barnaamij gaar ah oo ku saabsan shirjaraa’id oo ay todobaadkan salaadiinta gobolkaasi kaga jawaabeen hadalkii Wasiirka Daakhilia Somaliland Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ee ku saabsanaa xaalada degmada Saylac ee gobolkaas. Waxa kale oo uu xusay in xoriyadooda loo celiyay laba ka mid ah shaqaalaha Telefishanka oo Boolisku xalay xidheen intii ay hawlgalkaas wadeen.

Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenka gobolka Awdal Mr. Cabdi Nuur Sugaal oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in aanu waxba kala socon xidhista Telefishankaas, wuxuuna ka hadlay dibad-baxyo rabshadaysan oo dhalinyarada Boorama ku dhaqani kaga jawaabeen go’aanka Booliska.

Siday sheegeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay arrintaas, masuuliyiinta Booliska gobolkaas iyo kuwa maamulka gobolku waxay isku maandhaafeen go’aanka lagu xidhay Telefishankaas oo tan iyo badhtamihii sannadkii hore ka hawlgalayay halkaas, isla markaana laga daawado gudaha Boorama oo keliya.

Qurbejoog.com, Boorama

Comments are closed