Boorama oo xalay bandoow lagu soo rogay
Borama Dec 08,2011(qurbejoog.com)-Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa xalay ay ciidamada dawladu ku soo rogeen Bandoow ka dib kolkii ay shalay gelinkii danbe xiisadi ka dhalatay rag ay ciidamadu ka qabqabteen halkaasi.
Ciidamada amniga ayaa qabtay rag dhawr ah oo siyaasiyiina oo si adag uga hadlay dhacdadii lagu laayay sadex ruux oo ku noolaa aaga Seemaal.
Ma cada ilaa iminka cida la qabtay balse kolkii ay soo baxday in ciidamadu ay ku daba jiraan dadkan ka hadalay dhacdadaa ayaa wadooyinka ay isugu soo bexeen dhalin gadoodsan.
Gabal dhicii shalay ayaa magaalada laga maqlayay dhawaaqa rasaasta,ka dibna waxa ciidamadu ay ku dhawaaqeen in magaaladu Bandoow tahay.
Magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka ayaa kacsan ka dib kolkii dhawr maalmood ka hor ay dib u soo noolaatay colaadii u dhexeysay beelaha Ceel-Berdaale.
Qurbejoog-Boorama