Boorama: Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Gurigooda Oo Uu Gaadhi Jiidhay Iyagoo Hurda Iyo Tirada Dad Kale Ee Shilkaa Ku Dhaawacmay
Boorama 03. February 2017 (SDN/QJ):- Shil sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland.
Gaadhi yar oo Taxi ah, ayaa galay Guri ku yaalla Magaalada Boorama oo ay Xilligaas oo habeen ahayd ay ku sugnaayeen Qoyskii ku noolaa, waxaana halkaa ku dhintay Laba Carruur oo Da’doodu kala ahayd 8 Jir iyo 9 Jir, waxaana ku dhaawacmay laba Hablood oo Carruurta dhimatay ay Walaalo ahaayeen oo xilliga uu gaadhigu Gurigooda galay wax ku akhrisanayey Qolka Gaadhigu galay ee Carruurtuna ku dhimatay.
Sidaana waxa Shalay Warbaahinta uu sheegay Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka AWDAL Saddex Xiddigle Axmed Daahir.
Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka oo sida Shilkaasi u dhacay faahfaahinayaa wuxuu yidhi, “Habeen hore Gaadhi Tagsi ah oo uu watay Inan yar ayaa Galay Guri ku yaalla Boorama, waxaana ku dhintay Laba Carruur ah, waxaana ku dhaawacmay laba Qof oo kale, Gurigiina dhibaato ayaa soo gaadhay. Markaa waxaan leeyahay Saqiir-bay ahaayeen ee Carruurtaa ILAAHAY Samir iyo iimaan haka siiyo Waalidkii dhalay.”
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay, “Inankii gaadhi watay, Nin yidhi Damiin-baan ka ahay iyo kii Macdarka uga soo saaray-ba Sharciga ayaanu hor-geynay oo imika Jeelka ayay ku jiraan.” Ayuu yidhi.
Qoyska uu Gaadhigu galay Gurigooda, ayaa Xilliga Masiibadani ku dhacday Hurday, maaddaama oo ay Habeennimo ahayd.
Dhibaatooyinka ay Gaadiidku geystaan, ayaa ku soo badanaya Somaliland, laakiin waxa cusub in Gaadhi uu galo Guri isla-markaana uu Dadkii ku dhex jiray ku laayo.