|

Boorama: Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta oo shahaadooyin gudoonsiiyay 28 arday oo culuumta Saxaafadda bartay

Hargeysa 18, July 2012 (SDN)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa gudoonsiiyey shahaadooyin 28 arday oo shahaadada Diploma ka qaatay Machadka tababarada Saxaafadda ee SAW ee magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Machadka tababarka saxaafadda ee magaalada Boorame, ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mr. Cabdirashiid Jibriil Yoonis uu xalay shahaadooyin heerka Diploma ee saxaafadda gudoonsiiyey Suxufiyiin tiradoodu gaadhayso 28 xubnood oo muddo labo sanadood ah culuunta saxaafadda ka baranayay machadka SAW ee tababarada saxaafadda ee magaalada Boorame.

Ardaydan ka qalin jebisay Machadkan, waxay mudadaas saxaafadda ku baranayeen Luqadda Ingiriisida. Waxaana maamulka machadku ay warbixin ka soo jeediyeen hanaankii waxbarashadani ku socotay mudada labada sano ah.

Hadal uu halkaas ka jeediyey agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafintu ayaa waxuu ku tusaaleeyey in ardada baratay culuunta saxaafadda looga baahan yahay inay si waafaqsan xeerarka saxaafadda ku hawlgalaan ilaaliyaana mas’uuliyadda ay leedahay mihnadan oo ah mid balaadhan.

Munaasabadaas waxa kale oo ka hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Madaxa Xarunta Tv-ga Qaranka ee dalka Ingiriiska.

Qurbejoog.com, Boorame

Comments are closed