Booqashada Ururka Hal-door Ee Deeganada Gobolka Gaaroodi iyo Hakadki Galay Hawsha Riiga
Hargeysa Feb 10,2012(qurbejoog.com)-Wefti xaqiiqo raadis ah oo ka socday ururka haldoor oo uu wahelinayay Boqor Raabi Yusuf Abdilahi ayaa maanta u ambabaxay qaar ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada salaxlay, si ay ugu kuurgalaan xaalada dhabta ah ee ka jirta degaanka sida adeega caafimaadka , waxbarashada iyo helitaanka biyaha oo muddo badan caqabadi ka haysatay degaanka.
Waxaa Indhawaale Soo gaadhay banka u dhaxeeya Qool-caday iyo salaxlay Riig kaas oo ay in badaan baahi wayn u qabeen Bulshada ku dhaqan deegankaasi, Rigan oo ku hawlanaa in uu Biyo kasoo saaro Deegaanka maal mihii u danbeyey ayaa Hab-sami u socodkii Hawshiisa Hakad ku yimid taas oo sababtay in uu Gabi ahaanba joojiyo hawshi uu waday, hadabaa Ururka Hal-Door oo manta u gurmadaay xalinta hawshan ayaa ku guulaystay manta kadib markii uu la kulmay maamulka dagmada iyo Hawl wadeenadii Riiga oo uu Horkacaayo Eng Cismaan Cabdi Cige (Farjar). Is afgarad iyo is fahan kadib waxa Eng, Cabdi Cismaan Ka war bixiyay xilaga uu ka faraxalan doono hawsha Riiga, Isaga oo sheegay mudo dhan 14 cisho gudahood uu ku soo saari doono Biyaha kadib markii uu noo sheegay in ay u hadhsantahay 100mtr, Isaga 2 khabiir oo suriyaan ah ka keenay dalka dabadisa siday hawshan guul uga gaadhi lahaayeen.
Waxaa kale oo jirta in degmadan salaxlay iyo deegaanada hoos yimaada oo inta badan cabasho ka taagantahay bixinta adeegyada caafimaadka ee kala duwan haday tahay adeegyada asaasiga ah ee caafimaadka (Primary Health Care) iyo adeega guud ee caafimaadka oo ay bixiyaan cusbitaaladu, hadaba waxa Ururka Hal-door ka dhawaajiyay in xalada caafimaad ee deeganku aad u lidato una baahantahay gurmad dag daga.
Ugu danbayntii waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha wax barshada ee Deeganka, waxa u noo cadeeyey in ay jirto baahiyo badan oo ay tabyaan schoolada Boodhinaka Deeganka Salaxlay.
Guntii iyo Gaba gabadii waxa uu Ururka Hal-door soo baan dhigi doona xogo iyo xaqiqooyin dheeraadda oo ku salaysan Baahiyaha jira ee deegaanka.
Wa Billahi Tawfiiq
Xubnaha Ururka Hal-Door