Booqashada Obama Wax Maka Badali Kartaa Siyaasadda Cakiran Ee Geeska Afrika?.
Madaxweynaha dalka maraykanka Mr.Brack Obama ayaa booqasho ku jooga dalka Kenya, iyadoo halkaasi uga sii gudbi doona dalka itoobiya. Waxaana la filayaa in madaxweyne Obama halkaasi kula kulmi doono madaxda wadamadaasi. Waana markii ugu horraysay ee uu obama yimaado wadamadan. Hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay waa maxay danaha siyaasadeed ee maraykanu wakhtigan uu ka leeyahay wadamadan geeska afrika?.
Danaha siyaasadeed ee dalka Maraykanka ayaa ah mid si weyn ugu wajahan Geeska Afrika gaar ahaan dalalka Kenya, Soomaaliya & Itoobiya isaga oo mudo dheer aan ka faaruqin diiradana ku hayay muhiimadda uu gobalkaas u leeyahay danaha dalka Maraykanka, waxaana la sheegayaa in uu Madaxweynaha dalka Maraykanka ku wajahan yahay labada dal ee kala ah Kenya & Itoobiya.
Kenya iyo Itoobiya waxaa lagu haystaa arrimo la xidhiidha dhanka xuquuqul insaanka iyaga oo gaystay xadgudubyo dhanka xuquuqul insaanka ah, xadgudubyadaas oo intooda badan ay ku dhaceen qoomiyadaha Oromada Iyo Soomaalida labaas dal kala degta.
Waxaa kale oo Kenya &Itoobiya wadaagaan arrimo ay ka mid yihiin dhanka nabedgalyadda oo mudo dheer ay kala sexeexdeen taas markaa labadoodaba dalka khatarta ku ahaa ama ay u arkayeen in uu bur-burinayo danahooda siyaasadeed uu ahaa dalkii Soomaaliya oo maanta lagu tilmaami karo in aanu ku jirin saaxadda siyaasadeed waxaana Soomaaliya ragaadiyay hadheeyayana colaad sokeeye iyada oo aanay ka madhnayn mid shisheeye.
Maraykanka siyaasadiida uu Afrika ka leeyahay ayaa ah mid aad u fog wuxuuna u arkaa dadalka ugu muhiimsan ee uu xidhiidhka dhow Afirka kala leeyahay in ay yihiin Nigeria, South Africa, Itoobiya iyo Kenya balse waxa inta badan xidhiidhka ugu badan uu la leeyahay Itoobiya oo uu dhanka nabadgaliyadda dilaal uga ah gaar ahaan la dagaalanka Islaamiyiinta bariga Afrika oo inta badan Itoobiya loo adeegsado.
Geesta kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Obama uu booqan doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada, wararkan sheegaya in uu Obama iman doono Soomaaliya ayaa u eeg kuwo suurtogal ah, maadaama Soomaaliya ay muhiimad weyn u leedahay danaha maraykanka ee geeska Afrika.
Isku soo wada duuboo booqashada Obama ayaa wadamadan u noqon doonta fursad ay indhaha caalamka kusoo jiitaan iyagoo uga faa’idaysan doona dhanka dhaqaalaha iyo siyaasaddaba.
Khaalid Foodhaadhi
Hargeysa,Somaliland