Boon: Weerarka Uu Waraabuhu Ku Hayo Cunista Maydadka Gaajadda Iyo Haraadka U Dhimatay
Boon 27,March,2016(SDN/QJ):-Tuulda Boon ee ka tirsan gobolka Awdal, ayaa la sheegay in laga helay deegankeeda haweenay u dhimatay haraad, isla markaasna uu cunay Waraabe, oo lafihii, madaxii iyo dharkeedii oo kaliya laga helay goobta.
Dadkii meesha u gurmaday ee indhahooda ku soo arkay maydka haweenayda uu waraabuhu cunay ayaa sheegay in sababta ay ugu malaynayaan inay gaajo iyo haraad ugu dhimatay ayaa ku sheegay in ciida lagu arki lahaa dheecaan fara badan, balse aanu jirin wax dheecaan ah oo lagu arkay goobta marxuumadu ku dhimatay.
Mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo ka hadlay arrimaha ayaa sheegay in haweenaydu saddex cisho ka hor ku dhimatay goobta“Waxaynu duljoognaa deegaanka xagare, taasoonu u soo gurmanay haweenay saddex todobaad u geeriyootay gaajo iyo haraad oo waraabe ayaa cunay maydkeedii, sababta aanu u cadaynayno inuu haraad dilay, ciida dheecaan farra badan baa lagu arki lahaa. Deegaankan waxaa saamayay abaarihii dalka ku habsaday”ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii gurmadda.”