|

Booliska Turkiga oo Weli Raacdo Ugu Jira Sidii ay u Soo Qaban Lahaayeen Ninkii dadka Ku Laayay Istanbul

Istanbul 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya ninkii ka dambeeyey toogashadii dalkaasi ka dhacday.iyadoo magaalada istanbul ee weererku ka dhacay lagu qabtey baroor-diiq iyo Aaska dadkii dhintey.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay 39 qof waxaana ku dhaawacmay dad gaadhaya ilaa 45 qof.

Dadkan la laayay ayaa ku jiray goob lagu caweeyo habeenkii sanadkan cusubi uu kowsaday.

Dadka weerarkaasi ku dhintay ee ajaanibka ah ayaa tiradoodu kor u kacdey waxaanay dhimashadoodu marey 24 Qof,waxaana ka mid ahaa dad wadamada carabta u dhashay,

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa weerarkaasi cambaareeyey waxaanuu sheegay in argagaxisadu ay wadan walba joogto.

Dalka Turkiga ayaa waxa uu la kulmayay weeraro kaga imanayay kooxda PKK.Waloow weerarkan aaney cidina sheegan.

Comments are closed