Booliska Pakistan oo Xabsiga Dhigay Wiil Lagu eedeeyay inuu Cay ,Af Xumo Iyo Gubitaan u gaystay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah & Ciqaabta uu Mutaysanayo Marka Denbigan lagu Cadeeyo
Karachi 23. August 2017 (SDN/QJ):- Dalka Pakistan Booliska ayaa jeelka u taxaabay wiil dhallinyaro ah oo Kiristaan ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu gubay bogag ka mid Qur’aanka Kariimka.
Sida ay sheegeen madaxda Booliska Pakistan wiilka oo lagu magaacabo Asif Massih oo 18 jir ah ayaa lagu eedeeyey inu cay iyo afxumo u geystay Qur’aanka ka hor intii aanu gubin, falka gubitaanka ayaa ka dhacay meel dibada ka ah goob cibaado.
Dhacdadan ayaa ka dhacday tuulada Jam oo ka tirsan gobolka Punjab, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay Booliska tuulada Jam ayaa sheegay inuu haatan ku xidhan yahay saldhiga Booliska ee deegaanka uu falka ka geystay.
Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP markii wiilkan la qabtay ayey tuulada soo buux dhaafiyeen dad gaadhay 200 oo qof oo ka cadhaysan falkan, dadka ayaa dalbanayey in loo ogolaado inay gacmaha ula tagaan wiilka, hasa yeeshee Booliska ayaa ka horjoogsaday.
Haddii lagu helo dembigan wiilkan waxa u mutaysan doonaa in xukun dil ah lagu fuliyo, sida uu dhigayo distoorka dalka Pakistan.
Islaam cayga ayaa arrin xaasaasi ka ah dalka Pakistan, qof kasta oo lagu helo inuu diinta Islaamka meel kaga dhaco waxa ku dhaca xukun dil ah.
Sida ay sheegeen guddiga caalamiga ah ee Maraykanka ee xoriyada diimaha ku dhawaad 40 qof ayaa dalka Pakistan ku xukuman dil, iyaga oo cay iyo waxyeelo u geystay diinta Islaamka.
Nin reer Pakistan ah ayaa dil lagu xukumay bishii Juun ka dib markii uu aflagaado u geystay diinta Islaamka, isaga oo dhigay Bartiisa Facebook, sidoo kale bishii May ee sannadkan wiil toban jir ah ayey kooxi ku dishay saldhig booliska oo ku xidhnaa isaga oo loo haystay inuu aflagaadeeyey diinta Islaamka.