Hargeysa: Booliska oo Waaran la’aan ku qabtay Sarkaal Waayo-arag ah oo warbixino Musuq ka qoray Agaasimaha Baanka Dhexe
Hargeysa June 09,2013(SDN/Hubaal)- Askarta ka tirsan Ilaalada Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa shalay Waaran La’aan Xabsiga ugu taxaabay Mawliid Aadan Cumar oo ka mid ahaan jiray saraakiisha waayo-araga ah ee Baanka, balse muddooyinkii u dembeeyey soo bandhigayey qoraalo iyo warbixino Musuq ku dhereran oo ka dhan ah Maamulka Bangiga gaar ahaanna Agaasimaha Fulinta ee Baanka dhexe. Mowliid Aadan Cumar oo ayaa askartu shalay duhurnimadii qabteen isaga oo ka soo baxay Masjidka oo uu ku soo tukaday salaadii Duhur, iyagoo ku andacooday in Hoggaankoodu amar ku soo siisay xadhigiisa.
Mawliid Aadan oo kamid ahaa hawl-wadeennadii lagu bilaabay shaqada Markii dhidibada loo taagay 1993kii ilaa 2009-kiina ka hawl galayay Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Hubaal oo ku Booqday Xabsiga dhexdiisa waxa uu u sheegay in Boolisku ka kaxeeyeen Masaajidka Rusheeye ee ka soo horjeeda Baanka oo uu salaadii duhur ku tukanayay, iyagoo daba joogay Qormooyin Taxane ah oo uu Ku Baahin Jiray Wargeyska Hubaal kuwaas oo ku suntanaa khilaaf, khibrad la’aan iyo fadeexaado is huursan oo dhex yaalla mas’uuliyiinta sare ee Baanka. Qormadii u dembeysay ee Mawliid ka qoro arrimahan ayaa nuxur ahaan uu farriin ugu diray Madaxweynaha Somaliland isaga oo ka codsaday in uu Bangiga dhexe u diro Hanti dhawr madax banaan oo baadha lunsi hantiyeed iyo musuq aafeeyey bangiga, isagoo soo bandhigay lacago Ducmentiyo Taariikhaysan 11/02/2004 oo cadaynaya lacag laga dhacay laanta bangiga ee Tixraaceedu yahay F/C-199, Lacagtaas oo ay lahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah cadadkeeduna dhan yahay SL-SH/448,154,819. {Afar boqol sideed milyan boqol konton afar kun sideed boqol toban iyo Sagaal}.
Wararka uu wargeyska Hubaal helayo ayaa intaa ku daraya in qormadan iyo qormooyin ka horeeyey oo arrimahan ku taxnaa ay maamulka baanku xamili waayeen baahintooda, sidaas oo ay tahayna amar ku bixiyeen xadhigiisa. Haddaba Qormooyinkaas uu Mawliid Aadan Cumar Qoray, oo ta aanu kor ku xusnay kamid ahayd ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa. Qormadan oo cadadkii 260aad ee wargeyska Hubaal ku soo baxday maalintii khamiistii ee bishu ahayd 06, June 2013ka, waxa uu Cinwaan uga dhigay; Madaxweyne Hanti-Dhawr Haloo Diro Lacag Baanka Dhexe ka Lunsaday Muwaadiniin, waxaanu ku bilaabay Qormadiisa:
“Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud -Silaanyo Waxaan lee yahay Adigaa Ka Masuul ah oo ku dhaartay Ilaalinta hantida Shacabka, Sidaasi awgeed Waxaan Madaxweyne Adiga Iyo Shacabkaba u soo bandhigayaa Faldanbiyeedkii ugu xumaa abid oo ka dhacay Baanka Dhaxe ee Somaliland gaar ahaan Laanta Xarunta oo ah Xaruntii Kaydka guud ee Qaranka iyo shacabka haysay, Sidaas awgeed Mudane Madaxweyne Faldanbiyeedkani waxa weeye danbi uu ogyahay Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe C/Laahi Xassan Aadan Waxaanu kamid yahay kiisaskii uu ololaha kursiga ku raadinaayay Wakhtigii aad ku jirtay Dhismaha xukuumada cusub Ka dib doorashadii madaxtooyada. Hadaba Madaxweyne Saddexda Masuul ee Wakhtigan xilka baanka dhexe haya oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud waxay miciin iyo masuuliyad bideen raga ku saxeexan Ducmentigan cadaynaya lacagta muwaadiniinta lagu dhacay ee laanta xarunta Number keeduna yahay F/C-199,kuna Taariikhaysan 11/02/2004 Lacagta ay xambaarsan tahay na tahay SL-SH/448,154,819. {Afar boqol sideed milyan boqol konton afar kun sideed boqol toban iyo Sagaal}.
Hadda Mudane Madaxweyne Anigoo wakhtigaa goobjoog u ahaafaldanbiyeedkan kana mid ahaa shaqaalaha Baanka gaar ahaan laanta xarunta, waxaan u hawl galay inaan kiiskan gaadhsiiyo Madaxwenihii Wakhtigaas joogay Mudane Daahir Riyaale Kaahin, Nasiib wanaag si fudu ayaan ula kulmay waxaanu ii sheegay inuu degdegah wax uga qabanaayo, Intaasi ka dib markii ay madaxdii baanku ogaaden inaan madaxweyne riyaale u gudbiyay faldanbiyeedkan foosha xun, Wax baadhis ah iyo wax dareen ah oo ka danbeeyay ma dhicin, Waxay noqotay in madaxdii wakhtigaasi aniga iga fogeeyan kawaanka ay hantida umada ku gawracayaan, Waxaana lay bedelay Laanta Dumbuluq Taas oo layga dhigay Xisaabiyaha Laanta Dumbuluq.
Hadaba Mudane Madaxweyne Waxaan kuu soo jeedinayaa inaad faldanbiyeedkan u magacawdo Gudi Bankers ah oo Baadhis ku sameysa Hadii ALLE yidhaa. Sidaasi Awgeed Dukumantigan oo uu ku cad yahay saxeexyada iyo cadadka lacagta Baanku ku shubtay dheefta baanka, Waxaan kugu adkaynayaa Madaxweyne inaad Shacabkii la dhacay u hiiliso WA BILLAAHI TAWFIIQ.
Mawliid Aadan Cumar
Senior Banker
Hargeysa, Somaliland
Lasoco Ducument-iga iyo Liiska Muwaadiniinta La Dhacay