|

Booliska Kenya Oo Xabsiga Ku Guray Culimo Tabliiqiyiin ahayd Oo Safarro Iskaga Jirtey

Nairobi:May,10,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan 16-ka mid ah culimada Tabliiqiyiinta, ayaa ay Boliska Kenya kuĀ  xidhxidheen Deegaanka Marsabit, waxana la sheegayaa in Boolisku qabaan Tuhun ah in Kooxahasi ku Hawllanaayeen Qorista Dhallinyarada loo tallaabiyo dhinaca Al-shabaab.

tebSida lagu baahiyay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya xidhitaanka wadaadada Muslimiinta ayaa ka dhacday deegaanka Karare kadib markii ciidamada booliska ay halkaasi baadhitaano ay ka sameeyeen.

Wadaadada tabliiqa ah ayaa deegaankaasi tagay maalmo ka hor waxayna halkaasi ay ka wadeen fidinta diinta Islaamka, waxaana ciidamada Kenya ay ka xidheen deegaankaasi.

Wadaadada lagu xidhay dalka Kenya ayaa badankood booliska waxay sheegeen inay ka tageen dalka Soomaaliya ayna la socdeen dad kale oo u dhashay dalka Kenya.

Dadkaasi ayaa dhamaantood waxaa loo gacan geliyay waaxda booliska ka hortaga waxay ugu yeedheen argagixisada ee magaalada Nairobi si halkaasi baadhitaano loogu sameeyo.

Bishii lasoo dhaafay wadaado Tabliiq ah ayaa lagu xidhay deegaanka lamu oo weeraro badan ay ka dhaceen laakiin markii dambe ayaa lasii daayay, sida booliska ay warbaahinta u sheegeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed