|

Booliska Kenya Oo Shacabka U Fasaxay Isu Soo Bax Lagu Diiddan Yahay Xasuuqii Mandheera

Nairobi:Nov,26,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Waddanka Kenya, ayaa shacabka u fasaxay Bannaan bax lagu diiddan yahay xasuuqii loo geystay Dadkii Baska Saarnaa eek u socday Magaalada Mandhera.

massBoolisku waxay dadka u ogolaadeen inay  muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Ammaandarrada kasoo korodhay Deegaanka Mandhera oo ku taalla Gudaha Dalka Kenya.

Hase ahaatee Booliska ayaa dhanka kale ka digay in isu soo baxyada lagu lifaaqo qalaase iyo rabshado xasiloonida wax u dhimaya.

Ogolaansha ayey ciidamada booliska ku micneeyeen maadaama shacabka ay xaq u leeyihiin in ay muujiyaan cadhada ay ka qabaan xaalada haatan jirta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ka dalbaday gaadiidleyda in ay taxadar muujiyaan, sababtoo ah mudaharaadka ayaa sababaya mashquul badan oo wadooyinka ah.

Dibad baxayaasha ayaa qorsheynaya in ay socod ku soo maraan qeybo ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, laga soo bilaabo wadada Tom Mboya ilaa wadada Harambee Avanue, halkaasoo ay marka dambe hadallo ka jeedin doonaan.

Harambee Avenu waxaa ku yaalla xafiisyada saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada sida madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku yaalla xarunta weyna ee aqalka baarlamaanka.

Ujeedada dibad baxan ayaa ah si madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xukuumadiisa loogu cadaadiyo in ay wax ka qabtaan amni darada uu dalka wajahayo, xili sabtidii lasoo dhaafay ay xoogaga al-shabaab mandheera ku dileen 28 ruux oo bas la socotay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed