|

Booliska Kenya oo Lagu eedeeyay inay Dileen 37 Qof si ay u Baajiyaan Dibad baxyo ka dhashay Natiijadii doorashadii la Laalay & Hogaamiyaha Mucaaridka oo Mawqif adag iska taagay Ka Qayb galka Doorashadda,Maxaa Sababay?

Nairobi 11. October 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda xaquuql insaanka dalka Kenya ayaa ku eedeysay booliska dalkaasi dilka ugu yaraan 37 qof oo lagu dilay hawlgal ay booliska kaga Hortagayeen dibadbaxyo dalkaasi ka billowday kaddib markii la shaaciyay natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday labo bilood ka hor.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’addani, 35 qof ayaa lagu dilay rabshado socday muddo saddex maalmood ah kaddib markii boolisku ay adeegsadeen awood dheeraad ah.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa laashay natiijada doorasahda madaxtinnimada sababo la xidhiidha khaladaad ka dhacay guddiga doorashooyinka dalka.

 

Doorasho ku celis ah ayaa loo ballansan yahay 26 bishan balse isbahaysiga mucaaradka ayaa ku hanjabay inuu qaadacayo doorashadaasi haddii aan isbadal lagu sameyn qaar ka mid ah shaqaalaha guddiga doorashada Iyadoo Shalay Hogaanka Mucaaridka Kenya ay Shaaciyeen in aanay Doorashadaas ka qaybgalayn.

 

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiiso iyo rasaas ku kala eryay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka oo dalbanayay isbadal.

 

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Hogaamiyaha Mucaaridka Raila Odinga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku adkeystay in uusan ka qaybgali doonin doorashada ku celiska ah, haddii aan fulin dalabkiisa.

Comments are closed