Booliska Hargeysa Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhallinyaro ah, Mid Kale Oo Dhaawacmay Iyo Dadweynaha Oo Gadooday
Hargeysa:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka eeBooliska Caasimada Hargeysa, ayaa toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah, mid kalena dhaawac culus gaadhsiiyey gelinkii dambe ee shalay.
Dhacdadan ayaa ka dhacay Gudaha Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo Dhallinyaradan Boolisku dhimashada iyo dhaawaca Gaadhsiiyeen kubad ku ciyaareen.
Kolanyo Boolis ah oo isugu jirta, kuwa Saldhigyada jooga, RRU iyo SPU-da ayaa la sheegay inay goor ku began casar-liiqii weerar qab-qabasho ah ku qaadeen Dhalinyaarda oo garoonka dhexdiisa jooga, siday goob-joogeyaal sheegeena aan wax nabad-gelyo daro ah fara kula jirin, balse dheelayay Kubadda xilligaas.
Warku wuxuu intaas ku daray in weerarka Boolisku la kulmay iska caabin dhanka Dhalinyarada kaga timi, taasina sababtay inay askartu rasaas hoos ugu dhigaan Dhalinyarada oo Shiid kala hor-yimi, Rasaastaasoo sababtay dhimashada hal Wiil oo magaciisa lagu shegay Maxamed Bali-yare, iyo ka kale ee dhaawacmay.
Maydka Marxuumka dhintay iyo qofka kale ee dhaawcmay, ayaa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka, waxana aan lagu heshiinin aaskiisa.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska oo warbaahinta qaar la hadlay, ayaa sheegay in dilkaasi ka dambeeyey weerar dhagaxaan loo adeegsaday oo dhallinyaradaasi ku qaadeen Booliska, taas oo keentay in rasaastu haleesho dhallinyaradii halkaas ku ciyaaraysay.
Hase ahaatee dhacdadan ayaa sababtay Gadood shacbiga oo dhaliyey Mudaharaad ay dadweynaha Xaafadu isugu soo baxeen barxada Kaalinta Total ilaa agagaarka Garoonka dilku ka dhacay. Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay inay Dad cadhaysani Taayiro iyo Dhagaxaan ku gubeen Laamiga iyo xaafadaha dhexdooda.
Ciidanka amniga ayaa ilaa caweyskii xalay la baxaa-degayay kala dareerinta Dadweynaha ka cadhooday howl-galka sababay Dhimashada iyo dhaawaca, kuwaasoo goor dambe Ciidanka RRU-du xoog ku kala kaxeeyeen, iyagoo rasaas aan wax khasaare ah oo dambe geysan u adeegsanayay.
Geesta kale, wararka ku saabsan dhacdadani waxay intaa ku darayaan in isla xalayba Boolisku sii daayeen Dhalinyaro ay ka soo qabqabteen Garoonka dilku ka dhacay, kuwaasoo saacado ku xidhnaa Saldhiga dhexe.
SDN/QJ