|

Booliska Dalka Itoobiya Oo Dilay Tiro Arday Ah Ka Dib Markii Ay Dibed Baxyo Sameeyeen

Addis-ababa,11Dec,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 10-arday ahaa ayaa lagu dilay rabshado u dhexeeyay ciidamada booliiska iyo dad dibad-baxayaal ah kasoo jeeda Gobolka Oromo ee dalka Itoobiya oo ka dhacay Itoobiya. Rabshadahan oo soo socday muddo saddex todobaad ah ayaa waxay ka dhasheen qorshe ay xukuumadda Itoobiya soo bandhigtay oo ah in deegaanno gobolkaas ka mid ah lagu darayo magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, taasoo ay kasoo horjeesteen shacabka gobolka Oromia, iyadoo shacabka gobolkaas ay ku tilmaameen qorshe la doonayo in lagu soo dhex-galo maamul-goboleedkooda, isla markaana beeraleydooda ay ku waayaan dhul ballaaran.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay awood u isticmaaleen in shacabka dibadbaxyada dhigayay ay kala eryaan, ay toogteen tiro ka mid ah, sidoo kalena ay xabsiga u taxaabeen bannaan-baxayaal fara badan.

Iyadoo ay u dambeeyeen dibadbaxayaadan mid shalay oo Khamiis ahayd ka dhacay Bako oo ka tirsan gobolka Oromiya. “Magaalada Bako waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay ardayda iskuulladu ku biireen, waxaana arkayay tiro arday ah oo rasaasi ay ku dhacday oo dhulka daadsan,” ayuu yiri goobjooge la hadlayay warbaahinta.

Shabakada Bloomberg oo soo xiganaysay mas’uuliyiin Oromo ah ayaa baahisay in 10-qof oo arday dibadbaxyada qayb ka ahaa la dilay, iyadoo sidoo kalena tiro kale oo shacab iyo arday isugu jray la dhaawacay. Balse, wasiirka warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda ayaa tirada dhimashada ku sheegay afar ruux oo keliya, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada ammaanka ay ka hor-tagayaan dibadbaxyada rabshadaha wata.

Gobolka Oromia ayaa ka mid ah 9-ka is-maamul-goboleed ee ay Jamhuuriyada Federaalka Itoobiya ka kooban tahay, waana gobolka ugu ballaaran dalkaas. iyadoo ay ku nool yihiin dad tiradoda lagu qiyaasay 27-milyan oo qof.

Dibadbaxyadan rabshadaha wata ayaa waxay billowdeen 20-kii bishii hore ee November degmooyin ku yaalla galbeedka gobolka Oromia oo ay ka mid yihiin; Ambo, Ginchi iyo Welega oo gabeedka gobolkaas ku taalla, laakiin si dhaqso ah ayay ugu fideen deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

Ugu dambeyn, xukuumadda Itoobiya ayaa la tacaalaysa sidii ay u joojin lahayd rabshadaha ka dilaacay gobolka Oromia, kuwaas oo weli socda, balse lama oga halka ay ku dambeyn doonaan rabshadahan.

Comments are closed