Booliska Dalka Costa Rica oo xabsiga dhigay Soomaali,maxey tahay sababtu?
Fuerza Publica Nov 01,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Costa Rica ayaa xabsiga dhigay sadex ruux oo Soomalai ah oo dalkooda sharci daro ah ku joogay.
Ciidamada ayaa sheegay in ilaa 27 kale oo Soomaali ah ay ka baxsadeen ayna ku dabo jiraan.
Soomaalida ayaa la aaminsan yahay in ay dalka Costa Rica ka galeen xadkiisa Woqooyiga.
Sidoo kalena waxa la sheegay in Soomaalidan Cost Rica lagu qabqabtay ay ku sii jeedeen dalka Mareykanka.
Sida ay ciidamada amnigu sheegeena Soomaalida sedexda ah ee haatan ku jira gacantooda waa la mustaafurin doonaa.
Madaxa qeybta Socdaalka ee ciidamada Booliska dalka Costa Rica Josnan Murillo ayaa sheegay in saxafada aanu wax faahfaahina siin kareyn haatan bacdamaa uu baaritan socdo.
SDN-Fuerza Publica
contact@somalidiasporanews.com