|

Booliska Dalka Angola Oo Baadigoob Ugu Jira Cidda Lahayd Boorso ay Ku Jiraan Hal Miyan Oo Dollar

Luanda:Aug,08,2015(SDN/QJ)-Ciimada ammaanka Waddanka Angola, ayaa raacda ugu jira helitaanka Ciddii lahayd boors ay ku jirto lacag gaadhaysa Hal miyan oo dollar, taas oo lagaga dhex tegay diyaarad.

walleDiyaarada oo aheyd mid siday rakaab ayaa waxa ay kusii jeeday dalka Shiinaha, iyadoona xiliga nasiinka duuliyaha diyaaradaasi uu helay boorsada lacagta waxa uuna si damac la’aan ah ugu wareejiyay Booliska Dalka Angola.

Booliska dalka Angola ayaa waxa ay raadinaayaan milkiilaha hal milyan oo dollar oo boorsada kujirta taas oo looga dhextagay diyaarad kusii socotay Shiinaha.

Lacag intaasi dhan ayaa waxa ay aduunka ka tahay sharci darro in lagu dhex qaato boorso, waxaana suuragal ah in Milkiilaha lacagtaasi uu xarig ku muteysto hadii gacanta lagu dhigo.

Aristófanes dos Santos oo ah Afhayeenka u hadlay Booliska dalkaasi Angola, ayaa sheegay in duuliyaha uu gutay waajibkii saarnaa balse ay iyaga ku waajibtay inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiga lahaa lacagtaasi.

Mr Aristófanes dos Santos waxa uu sheegay in lacag gaadheysa 1,032,000 oo dollarka Mareykanka ah in la helay waxyar ka hor intaysan diyaaradda ka kicin garoonka caalamiga ah ee Luanda.

Si kastaba ha ahaatee, Boorsada ay lacagtan ku jirtay waxaa laga helay meel u dhow mid ka mid ah kuraasta qeybta Business class ka ee diyaaradda.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed