Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo soo Saaray Warrant (Warqad Qabasho ah) oo lagu Xidhayo Caalimka Muslimka ah ee Reer Hindiya Dr Zakir Naik
Delhi 15. May 2017 (SDN/QJ):- Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray wareegto lagu qabanayo oo lagu soo xidhayo daaciga muslinka ah ee u dhashay Dalka Hindiya Dr Zakir Naik, ka dib markii ay Interpol ka heleen dalka Hindiya Dalab ay kaga codsanayaan in la qabto daacigaasi ka dibna loo soo gacangeliyo Cadaalada Hindiya.
Hindiya waxay ku eedaynayaa 51 jirkani inuu lacago kala duwan tahriibiyey isla markaana qaab aan sharciga dalkaasi ogolayn dhaqaale ugaga sameeyey kanaalada telefishinada ee uu maamulo oo ay ku tilmaameen kuwo u janjeedha dhanka waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan Argagixisada.
Wareegtada Booliska Caalamiga ah (Interpol) ay soo saareen waxaa cinwaan looga dhigay ‘Argagixiyaha ka baxsanaya cadaalada‘ waxaana lagu faray dhamaan dawladaha caalamku inay qabtaan daacigaasi isla markaana aan wax damiin ah lagu sii dayn karin loona gacan geliyo Xukuumada Hindiya.