|

Booliiska Waddanka Holland oo Wax Xil Leh Ku Sameeyay Wiil Marookaan ah oo mudo dheer Nafta u keenay !! DAAWO

Holland 02. January 2017 (SDN/QJ):- Wiil Marookaan ah kana soo jeeda qoys lacag leh ayaa mudo dheer waxaa quus ka taagnaa ciidamada booliiska dalka Holland kaas oo si xoog ah ku mari jiray wadooyinka xiran iyo kuwa leerka gaduudan uu shidan yahay ee ishaarada.

 

Wiilkaan oo wadan jiray gaari qaali ah gaar ahaan nuuca loo yaqaan Ferrari ayaa dhoor jeer oo hore wuxuu ka baxsaday ciidamada Booliiska dalka Holland balse markaan ayaa isaga oo dagaalamayo xabsiga loo taxaabay .

 

Wadanka Holland oo ku yaal Qaarada Yurub waxaa ku nool Ajaanib aad u fara badan balse shacabka ugu badan ee soo galay dalkaas mudo dheer waxaa lagu sheegaa dadka ka soo haajiray dalka Marooko oo ku yaal Qaarada Africa balse ah wadan Carbeed .

Comments are closed