Booliiska Oo Sheegay In Macalinkii Loo Xidhay Sheegashada Naanaysta SIILAANYO Uu Ku Beddelay Naanays Kale XADDI
Hargaysa 23. March 2017 (SDN/QJ):-Waxa weli Magaalada Hargeysa ku xidhan Macalin Magaciisu yahay Axmed Maxamed Maxamuud isla-markaana Saaxiibbadii ku naanaysaan SIILAANYO, kaasi oo Booliisku u xidhay sheegashada Magaca Madaxweynaha.
Muwaadinkan oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa, ayaa doraad Booliisku xidheen, iyadoo lagu eedeeyay inuu sheegtay Magaca Madaxweynaha, gaar ahaan Naanaysta uu Madaxweynuhu Caanka ku yahay ee SIILAANYO.
Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Shalay Saxaafaddu waydiisay sababta loo xidhay Muwaadinka ay Magaca ka siman yihiin Madaxweynaha, ayaa sheegay in Ninkaas loo haysto inuu sheegtay Magac aanu lahayn, dambigiisuna sii caddaatay markii uu Naanaystii uu sheeganayey uu ku beddelay XADDI, sida uu sheegay Taliyuhu.
Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Qof walba dambi wuu galaa, Ninkaa Macalinka ahina inuu dambi galay waxa kuu caddeynaysa markii Booliisku bilaabeen baadhitaanka (inuu sheegtay) Magaca Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla-markiiba wuu beddelay waxaanu Magacii Siilaanyo ku beddelay Xaddi. Markaa waxa meesha soo gashay Dambi ah sheegasho Magac aanu lahayn..”
Taariikhda Somaliland waa markii ugu horeysay ee Qof muwaadin ah loo xidho inuu sheegtay Magac aanu lahayn.