|

Booliiska Nairobo oo Soomaali iyo Itoobiyaan qabqabtay

Nairobi Sept 19,2012(SDN)-Ciidamada amaanka ee magaalada Nairobi ee dalka Kiinya ayaa hawgalo ay qaadeen caawa fiidkii waxa ay ku qabqabteen 23 ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan dalka Sharci daro ku soo galay.

Hawlgalka ayaa yimi ka dib kolkii ciidamadu ay heleen xog tibaaxeysa in xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ay soo gaadheen dad sharci daro dalka ku soo galay.

Taliye xigeenka Booliska Nairobi Moses Nyakwama ayaa saxaafada u xaqiijiyay in hawlgalka lagu soo qabqabtay dadkan dalka sharci darada ku soo galay.

“hawgalka caawa la qaaday waxaanu ku soo qabqabanay 23 ruux oo dalka sharci daro ku soogalay,maalinta beri ahna maxkamad ayaa la horgeyn doonaa”ayuu yiri Moses Nyakwama.

Hawlgalka ayaa daba socda mid dhawaan lagu soo qabtay laba ruux oo sitay hub fara badan oo la damacsanaa in amniga lagu khalkhal geliyo.

Soomaalida Nairobi ku dhaqan ayaa hawlgalada noocana kala kulama dhibaatooyin kala duwan oo Booliisku kula kaco.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed