|

Booliiska Kenya Oo Xiray 45 Arday Oo Lagu Eedeyay Sameynta Falal Anshaxumo Ah Iyo Mandooriyayaal

xabsiNairobi,7Aug,2015(QJ/SDN)-Afartan Iyo Shan Arday Oo Wax Ka Barta Iskuulo Kala Duwan Oo Ku Yaalo Ismaamulada Nyeri Iyo Kirinyaga Ee Dalka Kenya, Ayaa La Xiray Shalay Galab Xili Ay Ku Jireen Safar, Fasaxa Iskuulada Kenya Ee Bisha August.

Saraakiisha Saldhigga Booliska Ilaalada Kiangwachi Ee Gobolka Kirinyaga Oo Xiray Arday-Daas, Ayaa Sheegay In Da’yartaas Oo Iskugu Jireen Wiilal Iyo Gabdho Ay Ku Safrayeen Hal Baabuur, Iyagoona Ka Kala Socdeen Qaar Kamid Ah Dugsiyada Sare Ee Ku Yaalla Nyeri Iyo Kirinyaga. Waxeyna Ku Sheegeen Bilaysku Sababta Ay U Xireen Ardaydaas Tira Badan Iney Tahay Sameynta Iyo Ku Howlanaanta Rabshado Galmo Oo Ay Ku Sameynayeen Baska Dhexdiisa Iyo Iney Sidoo Kale Cabayeen Xashiish Iyo Tubaako.

Ciidamada Ilaalada, Ayaa Intaas Ku Dareen In Baaritaano Dhamaystiran Oo Ay Sameeyeen Kadib Ay Ka Heleen Mid Ka Mid Ah Ardaydaas Dhowr Duub Oo Xashiish Ah Iyo Tubaako Uu Ku Dhex Qariyay Dharkiisa.

Dhanka Kale, Jadidah Nyawira Oo Goob-Joog Aheyd Markii Ardaydaas La Xiraayay, Ayaa Sheegtay In Dhalinyaradaas Ay Ku Guda Jireen Falal Fool Xun, Waxeyna Intaas Ku Dartay In Cod Dheer Oo Music Ah Uu Ka Daarnaa Baskaas Ay Saarnaayeen Ardaydaas Oo Ay Sheegtay Iney Ku Dhex Ciyaarayeen Suuqa Magaaladaas Iyagoo Sarkhaansanaa Ka Hor Intii Aynan Ciidamadu Xirin.

Agaasimaha Waxbarashada Kirinyaga- Elizabeth Karani, Ayaa Iyaduna Xaqiijisay In Baska Waday Ardaydaas Uu Ka Koobnaa 33 Kursi, Balse Uu U Rarnaa Si Xad Dhaaf Ah Uuna Waday 45 Arday, Oo Sameynaayay Waxyaabo Aanan Wanaagsaneyn.

Si Kastaba Ha Ahaatee Wadanka Kenya Oo Mamnuuc Ay Ka Tahay In Ardaydu Ay Isticmaalaan Waxyaabaha Maanka Dooriyo, Ayaa Waxaa Jiray Sharci Uu Dhawaan Soo Rogay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Oo Lagu Xadidaayo Cabidda Iyo Ka Ganacsiga Qamriga Shushubka Ah Ee Loo Yaqaano Changaa (Calaqa) Iyo Waliba Maandooriyayaasha Kale.

Waxaana Sidoo Kale Jiray Howl-Galo Ay Ciidamada Dowladu Ka Fuliyeen Magaalooyinka Kala Duwan Ee Kenya Oo Ay Ku Xireen Goobo Badan Oo Looga Ganacsan Jiray Maandoori-Yeyaasha Iyo Waliba Dad Loo Xiray.

 

 

Comments are closed