|

Booliiska AWDAL oo Faahfaahiyey Gaadhi Xamuul ah Oo La Afduubay, Cidda ka dambeysay iyo Iskaashi dhex maray Ciidammada Itoobiya Ee Xuduudka Deggan

Borama, 28 March, 2016-(SDN/QJ) : – Taliska Booliiska ee Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay Gaadhi Xamuul ah oo budhcad hubeysan ku afduubeen Meel 6KM u jirta Magaalada Boorama.

Taliyaha BooramaTaliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka AWDAL Cabdiraxmaan Nuur Colhaye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Hawl-gal Ciidanka Booliisku sameeyeen ay ku soo furteen Gaadhiga iyo Alaabtii saarnaydba.

 

“Waxaanu Caddeynaynaa in Koox hubaysan ay 24-kii bishan Habeennimadii ku dhaceen Gaadhi Xamuul ah meel 6KM u jirta Boorama oo la yidhaadho Fadhi-fuullada, laakiin Ciidanka Booliiska ee Gobolka AWDAL iyo Saraakiisha kala duwan dedaal iyo Masuuliyad badan oo ay muujiyeen waxay ku guuleysteen Gaadhiga iyo Alaabtii saarnayd oo lagu waday Xariirad.” Ayuu yidhi Taliyaha Booliiska AWDAL, waxaanu intaa ku daray, “Shir-qoolka waxa ka dambeeyay Nin hore Ganacsade u ahaa oo Jidka mari jiray oo lagu Magacaabo Xaamud iyo Saddex Nin oo uu watay iyo laba Nin oo Maleeshiyaadka Itoobiya ah oo la socday.”

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidammada Itoobiya ee Xuduudka Deggan kala shaqeeyeen soo qabashada Gaadhigan, “Gaadhigu wuxuu Xuduudka Itoobiya u tallaabay Lixdkii, laakiin Xabad baa lagu soo riday Ciidamo Booliis ah oo aan ka daba diray, laakiin waxaan ILAAHAY uga Mahad-naqayaa sidii wanaagsanayd ee ay noola shaqeeyeen Ciidammada Itoobiya ee Xuduudka Deggan. Budhcaddii Gaadhi dhacday badankoodii, Alaabtii gaadhiga saarnayd iyo Dadkii Gacanta siinayey Budhcadda inta Gacanta ayaanu ku haynaa.”

Comments are closed