|

Booliis Markii Ugu Horaysay Sanadkan Ka Hawlgeli Doona Goobo Muqdisho Ka Baxsan

Jowhar:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Xooggaga AMISOM, gaar ahaan waaxdooda Booliska ayaa lagu wadaa inay Sanadkan ka Hawlgalaan Goobo ka baxsan  Caasimadda Muqdisho.waxana lagu wadaa in Jawhar ay noqoto goobta ugu horraysa ee Ciidankaasi galaan.

amiseTaliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Annad Pillay ayaa sheegay daba-yaaqada sannadkan ay booliiska AMISOM ka howlgeli doonaan deegaanno ka baxsan Muqdisho markii ugu horreysay.

Sidoo kale, Jen. Pillay ayaa hadalkan sheegay kaddib booqasho uu ku tagay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe , iyadoo ay safarkiisan ku wehliyeen xubno uu ka mid ahaa taliye ku xigeenka booliiska Somalia, Jen. Cismaan Gas-gas.

“Booqashadeenna Jowhar waa mid salka ku haysa sidii aan indho-indheyn ugu sameyn lahayn ammaanka iyo sidii aan u arki lahayn goobaha ay ka howlgalayaan booliiska AMISOM markay sida ugu dhaqsiyaha badan halkan ku yimaadaan,” ayuu yidhi taliyaha booliiska AMISOM oo wariyeyaasha kula hadlay Jowhar.

Ciidamada booliiska AMISOM ayaa Muqdisho howshooda ka billaabay muddo sannad ka badan, iyagoo tan iyo xilligaas ka howlgalayay degmooyin ka tirsan kuwa Muqdisho, balse haatan ay ka howlgeli doonaan gobollada dalka qaarkood.

 

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellada dhexe , Cali Cismaan Ibraahim ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in howsha booliiska AMISOM ay dhisi doonaan xaruntii taliska booliiska gobolka iyo saldhigga magaalada.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in booliiska AMISOM la geynayo degmada Jowhar inta aanu dhammaan sannadkan ay ku jirno ee 2014-ka, ayna noqonayso markii ugu horreysay oo ay ciidamadan ka howlgalaan meel ka baxsan Muqdisho.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannad ka hor.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed