|

Boobe Qoraallada Ha daayoo Toos Mucaarid Haw Noqdo Ama Ha Iska Aamuso

Waxaan aad u akhristay maqaaladda Boobe. Kuwiisii hore aad bay ii soo jiiteen, imikase siday u eeg tahay isagaa is maax duminaya sababtoo ah xataa mucaaridkii dhabta ahaa ee ummaddu igmatay ayuu leeyahay iyaguna xataa way qaldan yihiin, oo wuxuu u ekaaday uun nin isagu leh “Anigaa keligay saxsan”.
Haddaba Boobe waxaan leeyahay, Mucaaridkani waa kuwii dawladda dhaliisheedda sheegaayey markii doorashadda golaha deegaanka lagu jiray iyo ka horba xilligii aad adigu dawladda Siilaanyo u ahayd wasiirka ee aad marwalba difaaci jirtay adigoo ah afhayeenka xukuumadda.
Intii hore qoraaladdaadii way fiicnaayeen laakiin imika waad dhex batalaqsanaysaa kol haddaad xataa mucaaridkii maagaysid oo aad kelidaa is mahadisay. Maanta waxa ay sharafi kuugu jirtaa adigoo si toos ah labadda xisbi ee mucaaridka midkood ugu biira oo fikradahaaga halkaasi toos dhaliisha xukuumadda ugala hadla.
laakiin imika waxaad u ekaatay uun nin ka xanaaqsan mansabkii laga eryay ileyn ummaddu xil mucaaridnimo laba xisbi ayeey u dhiibataye adigu keligaa mucaarid hays qorine oo hayska dhigin sidii xisbi mucaarid ah oo weliba kuwii loo igmadayna iyagii xataa ha dar jiidhine sharaftaadda dhowro oo waxan aad qoraysid ee aad cid walba baabah kaga dhigaysid adiguna diiradda isku eeg. Aniga qudhaydda ayaa mucaarid ah oo dawladda iyo siday wax u waddo aan jeclayn laakiin dee fadlan u mar mansabkii ay lahayd oo toos xisbiyadda dalka ka jira hagaaji.
Waadigii dhaliilaayey xisbiyadda waddanka oo dhan ee meeshii baabah ka dhigay, ee adiguna cirka is geeyay; waar bal qoraaladdana yaanay kaa noqonin kuwii SNMta aad ka qori jirtay ee aad adiga uun mujaahidka ku ahayde; meesha xisbiyo mucaaridnimo kaaga horeeyay oo maalintii Abdurahmaan Abdulqaadir laga saaray Kulmiye ee sida xun loo galay, waxba kamaad odhan oo xukuumaddan baad dhex fadhiday, haddaba dadkii maalintaasi mucaaridka ahaa ee garta ka naqaayey baa fadhiye ee fadlan xisbiyadda mucaaridka ahna ha ku darin xukuumaddee iyagaa dadku igmadaye ama raac oo mucaarid toosa noqo ama iska aamu, laakiin kaa yeelli mayno aniguun baa wax aqaana.
Ali Abdi
aabdi1960@gmail.com

Comments are closed