|

Boob Baahsan oo loo Gastay Qunsuliyadda Dowlada Soomaaliya ku leedahay Magaalada Karachi

Karachi 09. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in kooxo burcad ah habeenkii xalay dhac baahsan u geesteen xarunta Qunsuliyadda dowlada Soomaaliya ku leedahay magaalada Karachi.

Rag burcad ah oo tiradoodu lagu sheegay 7-nin ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyada, waxa ayna halkaasi ka qaateen Computerro , Telfoono qaali ah, Qalab Qunsuliyada yaalay iyo lacag cadaan ah oo tiradeeda lagu sheegay Todobo kun oo Rubbi.

 

Burcada dhaca u geestay xarunta Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Karachi ayaa la sheegay in daqiiqado badan ku jireen gudaha xarunta ayna halkaasi ka qaateen waxiki agab ah ay qaadan kareen , waxaa sidoo kale la sheegay in ay furteen Kaamirooyinkii ku xirnaa Qunsuliyada.

 

Sargaal katirsan booliiska magaalada Karachi oo lagu magacaabo Saqib Ismail Memon, ayaa xaqiijiyay dhaca loo geestay qunsuliyada Soomaaliya ee Karachi, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano ayna ku raad joogaan booliiska ragii burcada ahaa.

 

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Karachi ayaa la furay 16 ka Bishii hore ee maarso, waxa ayna xilligaas ay ku beegneyd xuska 57 Guurada xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Pakistaan.

Comments are closed