Bogcad Ka Mida Dhulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dhisme Lagu Bilaabay Iyo Maamulka Jaamacada oo aan Ka Hadal SAWIRO
Hargeysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo intii ay bilaabmeen bixinta dhul danta guud ah ee caasimada Hargeysa ayaa waxa hore uga reebanaa goobaha waxbarashada, oo ay ka mid tahay jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah warshad soo saarta iftiinka dalkanmustaqbalka ifin doona, balse waxa soo baxay in ay goobtaasina noqotay goobaha u calaamadsanaa xukuumadda, taasi oo haatan xukuumaddu siisay shakhsiyaad ka bilaabay dhismayaal si xawli ah u socda.
Illo-wareedyo ka agdhow maamulka Jaamacadda Hargeysa ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maamulka sare ee Jaamacadda Hargeysi ay kulan gaar ah ka yeesheen arrintan la xidhiidha dhulkan jaamacaddu leedahay ee la qaadatay, balse go’aanka ay ka qaateen wali aan la garan iyadoo shirkaasina aad moodo inuu kusoo idlaaday inaanay ka hadal mar haddii ay xukuumaddu bixisay oo ay iyadu wadato qorshahan dhulka lagu bixiyey.
Boobka dhulka danta guud ah ayaa waxa uu haatan marayaa halkii ugu sareysay taasi oo keentay in ay xukuumaddu bilowday in ay bixiso qaybo ka mid ah dhulka Jaamacadda Hargeisa.
Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa u muuqatay markii ay xukunka ku guulasatay in ay dhiiri geliso waxbarashada, waxaanay bilowday guulo ay ku muujinayso fulinta ballanqaadayadii ay bulshada u sheegeen wakhtigii ololaha, waxaanay bilaash ka dhigtay dugsiyada hoose/dhexe oo haatanna ay wado, balse talaabadan ayaa waxay noqonaysaa mid curyaamisa horumarka ay Jaamacadda Hargeysi ku tallaabsan lahayd, oo ay ugu horeyso in la balaadhiyo jaamacadda oo ah halka keliya ee dalkan intifaacsado.