Biyooleyaal Ka Gadooday Biyo La’aan Ka Taagan Magaalada Burco
Burco:3-Nov-2013 (SDNl)-Gaadiidlayda Booyadaha magaalada Burco ka dhaamiya ayaa Cabasho xoogan ka muujiyay Biyo la’aan kaga timi ceelasha ay Biyaha uga dhaamiyaan dadwaynaha reer Burco ee aanay qasabadaha wakaaaladu gaadhin.
Arrintan ayaa ka dambeysay, cilad ku timi laba ka mid ah mishiinadii iyo bamkii Biyaha riigaga ka soo saari jiray,taasoo sababtay in Ilihii biyuhu isugu soo ururaan hal riig oo lagu magacaabo Bukhleeya. Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Burco ayay Wadeyaasha Gaadiidka Biyuhu ku eedeynayaan inay waxba ka qaban wayday Ciladda ku timi Ceelasha Biyaha ee fadhiya, waxaanay Shalay cabashada ka dhigeen Goobta ay ku yaalaan Ceelasha inta badan Booyaduhu ka dhaamiyaan oo ka Kooban sadex Ceel oo Goob isku dhaw ku yaala.
Gudoomiyaha iskaasatada Booyadaha Magaalada Burco Dirir Siciid Xasan ayaa cabashadooda uga waramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu yidhi “maanta maalin ay magaaladu ka biyo xuntahay ma jirto waayo magaalada Qasabadahu uguma wada jiraan ee Booyadaha ayaa u dhaamiya,ceelashan oo ahaa sadex ceel oo kala ah Bukhleeye 1,Bukhleeye 2 iyo Bukleeye 3,laba ceel ayaa fadhiya, cid wax ka qabatay iyo cid u dhaqdhaqaaqday toona ma jirto,miyi iyo magaaloba iyagaa waraabiya,hal ceel ayaa ka shaqeeya oo saacadii dhaamiya Hal gaadhi,waxaan leeyahay ceelashani magaalada iyagaa waraabiya way xunyihiin cidina kuuma sheegin wasiir,waxaa wax lala yaabo ah maareeyuhu wuu ogyahay inay xun yihiin,ee wax uu wasiirka uga qarinayo,Ceelashii dawlada ee Biyaha magaalada Looga dhaaminjiray waa kuwaas oo way fadhiyaan,hadii wasiirka laga qariyay anagaa Runta kuu sheegayna ee kaalay soo eeg,waanu la yaabnay xalay markaanu aragnay isagoo maareeyuhu wasiirka geeyay ceel aan cidiba ka cabin”.ayuu yidhi Dirir.
“Biyo dhaamiskii kamay dhicin ta maanta taagani anigu waxaan wataa Booyadaas Tobankii Fiidnimo ee xalay baan imi hadana waa Tobankii subaxnimo,dadkii aanu Biyaha u dhaamin jiray way nagu soo qaylinayaan”sidaasina waxa warbaahinta u sheegay Qaasim Cabdi Cali oo ka mid ah darawaliinta Boyadaha watay.
Rooble oo ka mid ah Booyadleyda Reer Burco ayaa isna yidhi “maareeyuhu waxa uu awooda saaraa xaawisyada qasabadaha oo Booyadaha iyo riigaga ay ka dhaamiyaan ma eego,magaalada dadka Booyadaha ka dhaansada iyo kuwa qasabadaha ka cabaa way is leegyihiin,waxaa magaalada Biyaha u dhaamiya ilaa sideetan Booyadood,sadexdan ceel waxaa ka dhaamin jiray ilaa Afar iyo sideetan Booyadood.”
Biyo La’aantan ka taagan Magaalada Burco ayaa Halis ku ah Nolossha shacabka, waxana la sheegayaa inay Tani Tahay markii ugu horraysay ee arrintan oo kale ka dhacdo Magaalada Burco.
S.D.N