|

Biyo-xidheenka Ethiopia Nile-ka Ka Samaysatay Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogaaladay Inuu Booqdo Sarkaal Masaari ahi

Addis ababa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Biyo-xidheenka Colaadda kala dhex dhigay Dalalka Masar iyo Ethiopia, ayaa waxa markii ugu horraysay Booqasho inuu ku tago loo ogolaaday Sarkaal sare oo dawlada masaarida ka socda.

daamWasiirka Masaarida u qaabilsan Dhinaca Waraabka  Xasaam Al-mugaasi, ayaa fusad loo siiyey inuu gaadho deegaanada Wabiga Nile-ka ku teedsan ee Ethiopia ka dhisanayso Biyo-xidheenka, halkaas oo uu soo indho indheeyey.

Biyo-xidheenka oo ay ku baxayso lacag lagu qadaray $4.2 bilyan ayaa ismaandhaaf weyn ka dhax abuuray xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahira.

Wadahadalo sadex-geesood ah oo lagu yareynayo xurgufta ka dhalatay dhismaha biyo-xidheenka ayaa u socda wadamada Ethiopia, Masar iyo Sudan.

Dalka Masar ayaa rumaysan in mashruucani saameyn weyn ku yeealan karo saamiga ay Masar ka hesho biyaha wabiga Nile, hasayeeshe xukuumada Ethiopia ayaa dhawr jeer ka shanqadhisay in biyaha Masar ay hesho ayna isdhimaynin.

Waxaa xusid mudan, in Ethiopia ay hore u sheegtay qabashada muwaadin Masari ah oo dalka sharci-darro ku soo galay isla-markaana doonayey in lugaha saaraan goobta dhismaha biy-xidheenku ka socdo.

Wasiirka waraabka ee Masar ayaan wali si rasmi ah uga warbixin dareenkiisa ku aadan booqashada biyo-xidheenkan uu booqday, waxase haatan socda wada-hadal labada dhinac ay.

SDN/QJ

timo@qureboog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed