|

Biyo la’aan ka taagan Deegaanka Seemade ee gobolka Mudug Iyo Dhawaqa Qaylo dhaameed {DHAGAYSO}

Garowe, 04 January, 2016 (SDN/QJ): –Deegaanka Seemadde oo hoos taga degmada jariiban ee gobolka Mudug waxaa xiligan ka taagan biyo la’aan saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada deegaankaasi.

abaar1338132992Maxamed Xirsi Faarax gudoomiyaha deegaanka Saamadde ayaa sheegay inay horay abaaro uga jireen deegaankaasi oo xoolo badan ay ku sugnaayeen kuwaas oo caws kaliya ka daaqa agagaarka deegaankaasi.

Maxamed Xirsi ayaa sheegay ilaa hada inaysan jirin wax rajo ah oo ay ka qabaan inay samaystaan wuxuuna dawlada Puntland iyo hay’ada biyaha Puntland u qaabilsan uu u diray fariin si dadka iyo duunyada deegaankaasi ula soo gaaraan biyo  iyo ama loo kiciyo ceelbiyoodkooda.

Waa Markii 3aad ee ceelka Seemadde uu xumaado iyagoo dhawr jeer oo hore’waxaana marwaba u kicinayey hay’ada biyaha Basaweyn ee Puntland u qaabilsan iyo dawlada puntland.

Xiriir aan la samaynay hay’ada biyaha nooma suurta galin’deegaankan ayaa xiligan waxaa ka taagan biyo la’aan biyana waxaa Seemadde ugu dhow labada deegaan ee Jariiban iyo Bali Busle oo min 50KM u jira.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/abaaar.mp3″]

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO DHAWAQA QAYLO DHAAMEED EE MAAMULKA DEEGAANKAASI

Comments are closed