|

Biyaha Magaalo Xeebeedka Berbera oo gaadhay Halkii u Hoosaysay iyo Werwerka Maamulka Biyaha ee Magaaladaas

Hargaysa 02.Nov 2013 (SDN)- Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee Gobolka Saaxil Eng. C/raxmaan Cartan Geeddi ayaa maanta ka hadlay xaaladda biyaha la cabbo ee Magaalada Berbera, kuwaasoo soo saarkoodu gaadhay heerkii ugu hooseeyey.

Maareeyuhu waxa uu sheegay ilaa hadda biyaha helitaankoodu ay suurogal tahay laakiin ay maalinba ta xigta hoos u sii dhacayaan, caasimadana ay u yimaadeen si ay u gudbiyaan farriin qaylo dhallaan ah oo ay wasaaradda keeneen.

jjMaareeyaha oo u waramayey Shabakada Qurbejoog.com isagoo ku sugan Magaalada hargeysa ayaa sheegay in biyaha Dubureed ay kaabaan helitaanka biyaha saafiga ah ee la cabbo ee magaalada Berbera, ugu yaraana in ka badan Afar kun oo dhisme ay ku jiraan Shabakadda qasabadaha biyuhu, magaaladuna ay wada hesho biyaha, marka laga soo bilaabo Maxjarka Madaarka ilaa garoonka kubadda cagta oo dherer ah ama saldhiga booliska ee batalaale illaa haamaha oo ballac ah.

Md Geeddi waxa uu sheegay in dadaaladooda kala duwan ee ay ku doonayeen inay ku kobciyaan helitaanka biyaha la cabo ay dhowaan keeneen labo matoor oo biyood oo cusub, labo kalena ay sugayaan oo ay dalka dibadiisa ka soo socdaan

Isagoo ka hadlayey ilaha biyaha laga helo ee magaalada Berbera ayaa waxa uu sheegay in shan ceel ay hadda shaqeeyaan, nasiib darro se’ ay biyuhu sii yaraanayaan oo raxmaadkii laga waayey deegaankaasi mudadii afarta sanadood ahayd ee u dambaysay ay sababtay in daadadkii soo rogman jiray la waayo oo dooxyadii qallalaan sidaana ay ceelashu ku biyo yareeyaan.

Ugu dambayntiina Maareeyaha wakaalada biyaha ee Gobolka Saaxil Md C/raxmaan Cartan waxa uu baaq u jeediyey wasaaradda Biyaha iyo guud ahaan Xukuumadda Somaliland isagoo ku wargeliyey in  laga gurmado xaaladda biyo yaraanta ah ee soo food saaraysa magaalada dekedda ah ee Berbera. Iyadoo magaaladaasi aanay lahayn ceelel biyood kale oo u dhowdhow oo booyado ka soo dhaamin karaan, magaaladuna ay tahay mid halbowle u ah qaranka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed